Kulanka Ugu Horreeya Ee Eden Hazard Uu U Ciyaari Doono Real Madrid Kaddib Dhaawaciisii Oo La Ogaaday

Advertisements

Khamiistii ayay Real Madrid heshay war ay ku faraxdo kaddib markii uu si buuxda tababarka ugu soo laabtay laacibka reer Belgium ee Eden Hazard oo muddo 58 maalmood ah dhaawac kaga maqnaa.

Hazard ayaa ka mid ahaa ciyaartoygii Real Madrid ee sida dhamayska tiran tababarka u qaatay Khamiistii, waxaanu sameeyey orodkii, jimicsiyadii iyo kubbad ciyaaristii ka dambaysay, taas oo caddaysay inuu kasoo kabtay dhaawacii uu muddada u jiifay oo uu taam u yahay inuu u safto naadigiisa.

Real Madrid ayaan helin adeegga Hazard intii ka dambaysay November 26 oo ahayd ciyaartii Real Madrid iyo PSG ay barbarraha ku galeen Bernabeu markaas  oo uu dhaawac u geystay wiilka ay isku waddanka yihiin ee Thomas Meunier, hase yeeshee waxa uu hadda diyaar u yahay xulashada Zidane.

Kulanka Axadda berri ay Real Madrid la ciyaari doonto Real Valladolid ayaan lagu dari doonin, hase yeeshee waxa uu taam u yahay inuu ciyaaro kulanka Atletico Madrid ee Sabtida dambe, taas oo Zidane uu u baahan yahay inuu kala hor tago koox isku dheelli-tiran khad dhexe iyo weerar.

Atletico Madrid ayaa iman doonta Bernabeu marka ay taariikhdu tahay February 1, waxaanay noqon doontaa ciyaartii ugu horreysay ee ay kulmaan intii ka dambaysay koobkii ay Los Blancos kaga qaadday waddanka Saudi Arabia dhamaadka bishii hore, taas oo Zidane uu ciyaarsiiyey shax dhexda awoodda la siiyey oo weerarku iska koobnaa.

Advertisements

Ciyaarta kale ee soo laabashada Hazard ay muhiimka u tahay Real Madrid, waa lugta koowaad ee wareegga 16-ka Champions League oo ay 26 February foodda is dari doonaan Manchester City.

Sida uu qoray wargeyska AS, waxay u badan tahay in Hazard lasoo gelin doono tobanka daqiiqadood ee ugu dambeeya ciyaarta Atletico Madrid, wixii ka dambeeyana uu booskiisii joogtada ahaa heli doono.

Comments are closed.