“Kubadda Cagtu Waligeed Ma Soconayso” – Xiddig Chelsea Ah Oo Sheegay Inuu Ku Jiro Jaamacad & Kuliyada Uu Ka Dhigto Oo La Ogaaday.

Advertisements

Daafaca dhexe ee kooxda Chelsea ee Fikayo Tomori ayaa shaaca ka qaaday inuu ku jiro xaalad waxbarasho marka laga yimaado shaqadiisa koowaad ee haatan ee ah inuu yahay xirfadle ka ciyaaraya heerka ugu sarreeya ee kubadda cagta.

Tomori ayaa xilli ciyaareedkan booskiisa ka helay kooxdiisa Chelsea taas oo sidoo kale ka caawisay in markii ugu horreysay looga waco xulka qaranka England kahor kulamada caalamiga ah ee ay la yeelanayaan dhigooda Czech Republic iyo Bulgaria.

Image result for Tomori Interview

21 sano jirkan oo wakhti xaadirkan qaab wanaagsan kaga jira waayihiisa ciyaareed ayaa u muuqda mid k fikiraya wax ka baxsan kubadda cagta gaar ahaan waxa uu qabsan karo marka uu waayihiisa ciyaareed af-meero.

Tomori ayaa la sheegayaa inuu ku jiro jaamacada gaar ahaan heerka koowaad ee “Degree-ga” isla markaana uu diyaarinayo kuliyada maamulka ganacsiga (Business Management).

Fikayo ayaa ugu horreynba yidhi “Qofkasta game ayuu ciyaarayaa, Anigu in badan ma ihi mid Game-ka ciyaara, Anigu waan u ogolaadaa (Asxaabtiisa) inay ciyaaraan laakiin wali waxa jira Fifa iyo Fortnite badan oo soconaya”.

Advertisements

“Kubadda cagtu waligeed ma soconayso, Marka aan hawl-gabo ama aan dhaawacmo kaddib waxaan leeyahay wax aan hore ugu shaqaynayo taasina waxay i istaajin kartaa aniga meel wanaagsan oo aan buuxiyo mustaqbalka”.

“Anigu waxaan akhriyayaa hoggaaminta ganacsiga, Kaasi waa mawduuca aan haatan ku jiro, Waxaan ku bixiyaa malaha ku dhawaad siddeed ama tobban saacadood toddobaadkii”.

Comments are closed.