Xiddiga khadka dhexe ee reer Germany ayaa weerar ku qaaday waddanka Qatar oo uu ku tilmaamay mid meel ka dhacyo u geysta shaqaalaha, isla markaana u diida biyaha iyo nafaqada xilli ay ku shaqaynayaan cimilo aad u kulul, kuwaas oo dhisaya garoomada lagu ciyaari doono Koobka Adduunka 2022.
Kroos waxa uu sheegay in ay qalad ahayd in Koobka Adduunka lagu qabto waddan ku tunta xuquuqda binu-aadamka oo tacadiyada uu kula kacayo shaqaaluhu yihiin kuwo aan la aqbali karaynin.
Laacibkan ku guuleystay Koobkii Adduunka 2014 ayaa yidhi: “Shaqaalaha ajaanibka ah waxay maalin walba dhibbaneyaal u yihiin kulaylka cimilada oo ah 50 digrii. Waxay la dhibaatoonayaan nafaqo-darro, biyo la’aan iyo cimilada aadka u kulul.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daray: “Dhamaan waxyaabahaasi maaha kuwo la aqbali karayo. Miyey horumarinayaan xaaladaha shaqada? Ilama aha.”
Kubadda cagta ayuu sheegay in ay noqon karto mid dareenka si aad ah usoo jiidata, isla markaana ay tahay in lagaga faa’iidaysto in lagula tacaalo in Qatar lagu cadaadiyo in ay isbeddel ku samayso hab-dhaqanka ka dhanka ah muhaajiriinta shaqada u yimid dalkaas.
Kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee dalalka qaaradda Yurub ayaa lagu soo bandhigay farriimo ay ciyaartoydu u dirayaan Qatar oo lagaga dalbanayo inay joojiyaan tacaddiyada ka dhanka ah binu-aadamka.
Dhaw waddan ayaa ka hor intii aanay bilaabmin kulamadoodu, waxay iyagoo garoonka dhex taagan ay ciyaartoydu soo xidheen garamo ay ku qoran yihiin ‘HUMAN RIGHTS’ oo ah ‘XUQUUQDA BINU-AADAMKA’, taas oo ula jeedeen Qatar oo ay u sheegayeen in ay meel ka dhacyo u geystaan binu-aadamka, gaar ahaan muhaajiriinta iyo shaqaalaha kale ee ajaanibka ah.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora