Kooxda Levente Oo Ku Maadeysatay Barcelona Iyagoo Isticmaalaya Mareegaha Wax Laga Baaro Ee Google.

Advertisements

Kooxda Levente ayaa heshay guul lama filaan kadib markii ay 3-1 kaga adkaadeen Barcelona kulan ka tirsan horyaalka La Liga oo ka dhacay garoonka Estadi Ciutat de Valencia, waxeyna durba ku dhaqaaqeen iney sameeyan maad ku saabsan wixii ay ku dhigeen difaacdayaasha horyaalka.

Balaugrana waa kooxda hogaamineysa horyaalka ilaa iyo hadda kadib markii Real Madrid ay ku fashilantay iney xalay guul ka hesho Real Betis, labada kooxood ayaa wadaaga min 22-dhibcood, balse Granada ayaa hogaanka la wareegi karta hadii ay guul gaarto ciyaarta maanta.

Ciyaartoyda Levente ayaa layaab ku dhigay Barcelona kadib markii ay 7-daqiiqo kaliya ku dhaliyeen tirada saddexda gool, waana midda keentay iney kooxda martida loo ahaa ay hesho fursad ay kaga qosliso jamaahiirteeda.

Advertisements

Barta Instagram-ka kooxda Levente ayaa lasoo dhigay sawir laga soo qaaday mareegaha wax laga baaro ee google oo la weydiinayo su’aal aheyd: “Maxaad ku qaban kartaa 7-daqiiqo?” kadibna uu soo saarayo natiijo ahaan ciyaartii ay Barcelona guuldarada kala kulantay Levente sida aad sawirka kore ka arki kartaan.

Waa maadeysi iyo sheeko ay ugu talagaleen iney ku xanuujiyaan kooxda Barcelona, sidoo kalana ay kaga qosliyaan jamaahiirtooda.

Comments are closed.