TOP 10: Kooxaha Ugu Qaalisan Aduunka Oo La Soo Saaray – Man City Oo Hal Bilyan Euro Ku Dhistay Kooxdeeda, PSG & Real Madrid Oo Ku Soo Xiga

Advertisements

Kooxaha ugu qaalisan aduunka ayaa la soo saaray iyadoo Manchester City ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee hal bilyan euro ku dhista kooxdeeda.

Inkastoo saxiixooda ugu qaalisan uu ku fadhiyo 70 milyan euro, hadana kooxda Manchester City ayaa boos walba u soo iibsatay ciyaartoy qaali ah sannadihii ugu danbeeyay.

Kooxaha ugu qaalisan yurub

Daraasad ay sameysay CIES Football Observatory, waxay noqdeen kooxdii ugu horeysay taariikhda ee hal bilyan euro ku qarashgareysay dhismaha kooxdeeda.

Kooxaha Paris Saint-Germain iyo Real Madrid ayaa ku soo dhow kuwaasoo kooxahooda ku kala dhisan 913 milyan euro iyo 902 miluan euro.

Farqiga u dhaxeeya kooxda ugu qaalisan Spain iyo tan ugu qiimaha jaban ayaa ah mid cajiib ah, Los Blancos waxa ay 148 jeer ka qaalisan tahay kooxda Real Mallorca.

Faransiiska, kooxda PSG ay dhistay waxa ay 114 jeer ka qiimo badan tahay kooxda Nimes.

Advertisements

Bundesliga kooxda difaacaneysa horyaalka ee Bayern Munich waxa ay 85 jeer ka qaalisan tahay kooxda Paderborn halka Juventus ay 63 jeer ka qiimo badan yihiin kooxda Lecce.

Ingariiska ayaa ah meesha kaliya ee la dhihi karo kooxaha waa ay isku soo dhow yihiin iyadoo Manchester City ay kaliya 32 jeer ka qiimo badan tahay Norwich City.

Comments are closed.