Koox Weyn Oo Caan Ka Ah Yurub Oo Garoonkeeda Ugu Magacdareysa Cristiano Ronaldo

Advertisements

Kooxda reer Portugal ee Sporting Lisbon ayaa ka fiirsaneysa inay garoonkeeda magaca ka bedesho oo ay u bixiso xiddiga ay soo saareen ee Cristiano Ronaldo.

Sida ay sheegayaan warar soo baxaya garoonka Estadio Jose Alvalade oo qaada 50 kun taageerayaal ah ayaa la doonayaa in loo bixiyo Cristiano Ronaldo Arena ama CR7 Arena.

“Waa qorshe aan ka fekereyno waqti xaadirkaan, waxayna noqon laheyd mid aan ku faano” ayuu yiri madaxweynaha Sporting Lisbon Federico Varandas oo u hadlayay wargeyska Talyaaniga ee Tuttosport.

“Cristiano waxa uu yahay mar walbana ahaan doonaa calaamada ugu weyn ee taariikhda kooxdeena.

“Waan ku faaneynaa inaan xiriir la leenahay Cristiano Ronaldo, magaca xiddiga ugu fiican dunida iyo Sporting inuu is garab taagnaado.”

Magaca haatan garoonkooda loo yaqaano waa mid lagu xusayo aas-aasihii kooxda Lisbon ka dhisan mana la bedelin tan iyo markii garoonka la dhisay  sannadkii 1956dii.

Garoonka waxaa diyactir lagu sameeyay sannadkii 2003 ka hor inta aysan Portugal martigelinin koobkii Qaramada Yurub ee 2004.

Ka dib markii uu ka soo baxay akadeemiga Sporting, waxa uu kooxda koowaad u saftay 31 kulan ka hor inta uusan ku biirin Manchester United sannadkii 2003.

Advertisements

Sagaal sannadood ayuu ku qaatay Real Madrid ka hor inta uusan u wareegin Juventus sannadkii 2018.

34 jirkaan ayaa 161 kulan u saftay Portugal, waxa uu kabtan u ahaa xulkiisa markii ay qaadayeen koobka Qaramada Yurub ee Euro 2016 iyo Nations League oo ay qaadeen sannadkan.

One response to “Koox Weyn Oo Caan Ka Ah Yurub Oo Garoonkeeda Ugu Magacdareysa Cristiano Ronaldo”

  1. Faysal dheeg hirad says:

    Waxan ku taager sanahay in loogu magacdaro halyayga wayn ee reer Portugal CR7 in loogu magacdaro garoonka naadiga sporting lesbon loona bixiyo CR7 Arena

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

*