Koox Premier League Ah Oo Hoggaanka U Qabatay Tartanka Erling Haaland, Man United, Real Madrid Iyo Chelsea Oo Lagu Garaacayo

Koox ka tirsan horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa hoggaanka u qabatay tartanka loogu jiro weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland, waxaana hadda liiska kooxaha loollamaya hoos uga soo dhacay Manchester United, Real Madrid iyo Chelsea.

Advertisements

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo hore usoo layliyey Erling Haaland markii uu joogay kooxda Molde ayaa la filayay in aqoontiisa hore ee uu u leeyahay laacibkan ay ka caawin doonto Manchester United inay lasoo saxeexato 20 jirkan oo hore ay ugu fashilantay inay kala soo wareegto Red Bull Salzburg January 2019 markii ay Borussia Dortmund ku qaadatay £19.5 milyan ee Gini ee kaliya.

Real Madrid ayaa iyaduna ku jirta kooxaha sida weyn u doonaya laacibkan oo 34 kulan oo kaliya oo uu u saftay Borussia Dortmund u dhaliyey 37 gool xilli ciyaareedkan.

Haaland ayaa la rumaysan yahay in qandaraaskiisa Dortmund lagu burburin karayo £90 milyan oo Gini, laakiin kooxaha waaweyn ayay ku adag tahay in waqtigan ay bixiyaan lacagta intaas le’eg kaddib mushkiladihii dhaqaale ee uu sababay Korona Fayras.

Advertisements

Laakiin Manchester United ayay usii dheer tahay hal arrin oo ah in aanay isku wanaagsanayn wakiilka laacibkan ee Mino Raiola oo marka horeba la aaminsan yahay inuu isagu ka hor joogsaday in Haaland uu yimaaddo Old Trafford 14 bilood ka hor.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay loollanka loogu jiro laacibkan, waxaanay diyaar u tahay inay bixiso lacagta lagu burburin karayo qandaraaskiisa iyo sidoo kale aabbihii oo u ciyaari jiray oo ay ka rajaynayso inuu ka caawiyo.

Si kastaba, tababare Pep Guardiola ayaa rajaynaya in kooxdiisa uu keeno Haaland si uu guulaha cajiibka ah usii wato, iyadoo sannadkan ay intiisa badan ku ciyaarayeen dhaliyeyaal la’aan, gaar ahaan Jesus iyo Aguero oo inta badan dhaawac ku maqnaa.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*