Koeman Oo Magacaabay AFAR Ciyaartoy Oo Iska Diiday Inay Laadaan Rikoodheyaashii Xalay Iyo Messi Oo Maqnaanaya Finalka Axadda

Advertisements

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayay u badan tahay inuu seego finalka tartanka Spanish Super Cup ee Axadda, kaas oo ay kooxdiisu xalay ugu gudubtay rikoodheyaal.

Riqui Puig ayaa la baxsaday Barcelona oo u dhaliyey rikoodhihii ugu dambeeyey ee ciyaartii musalsalka ahayd ee rikoodheyaasha ay ku kala baxeen Real Sociedad, taas oo ay Barca ugu gudubtay finalka.

Da’yarkan ayaa dhaliyey goolkii go’aamiyey guusha iyadoo ay kooxdiisana ku raacday guushu 3-2 rikoodheyaal ah xilli ay Sociedad fursado badan iska khasaarisay ciyaartuna 120 daqiiqadood oo ay socotay ay ku dhamaatay 1-1.

Lionel Messi ayaa ciyaartan ka daawanayay kaydka iyadoo aan lagu soo darin liiska kooxda, sababtuna waxay ahayd inuu dhaawac ka dareemayay muruqa.

Finalka ayay Barcelona Axadda la ciyaari doontaa Real Madrid ama Athletic Bilbao midkooda caawa soo baxa.

Tababare Ronald Koeman oo warbaahinta la hadlay ayaa shaki geliyey fursadda uu Lionel Messi ugu soo kabn karayo ciyaartan, waxaanu yidhi: “Waxay ahayd ciyaar wanaagsan oo labadayada dhinacba aanu cadaadis samaynaynay. Cid walba waxay heshay fursado, waxaananu kasoo gudubnay koox weyn. Mana hubo in Messi uu taam noqon doono finalka.”

Intaas kaddib waxa uu Koeman shaaciyey afar ciyaartoy oo kooxdiisa ah oo uu doonayay inay laagtaan rikoodhihii ugu dambeeyey balse ay ka aamusay, ka hor intii aanu Puig codsanin in isaga la siiyo.

“Afar ciyaartoy ayay magacyadoodu ii qornaayeen, waxaanan weydiiyey midkooda qaadanaya rikoodhaha shanaad. Riqui ayaa yidhi ‘aniga qaadan doona’. Si fiican ayaanu sameeyey.

Frenkie de Jong ayaa xalay si adag uga shaqeeyey khadka dhexe, waxaana uu mar walba u dhowaa inuu galo xerada ganaaxa.

Ronald Koeman oo ka hadlay sababta ayaa sheegay inuu isagu ku amray inuu mar walba yimaaddo xerada ganaaxa, si uu gool u dhalin karo ama uu kooxda uga caawiyo inay fursado hesho.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*