“Haddii Zidane Uu Badin Waayo September Waa La Ceyrinayaa Waxaana Bedeli Doona Tababare Shaqada Muddo Dheer Sugaya”

Advertisements

Khabiirka kubada cagta Spain Guillem Balague ayaa sheegay in laga yaabo in Real Madrid ay yeelato tababare cusub bisha December, waxaana uu ku taageeray Jose Mourinho inuu bedelo Zidane oo uu ku laabto Bernabeu.

Real Madrid ayaan si fiican ku bilaabanin xilli ciyaareedka horyaalka La Liga iyagoo badiyay kaliya hal kulan seddexdii kulan ee ay ciyaareen, waxaana ay galeen barbaro labada kulan kale.

Bishaan September tababare Zidane waxa uu wajahayaa howl adag taasoo sabab u noqon karta inuu waayo shaqadiisa haddii aysan kooxda gaarin natiijooyinka laga filanayo.

“Waa bil uu ku qasban yahay inuu guuleysto” ayuu yiir Guillem Balague oo u waramayay idacaada BBC 5 Live.

“Waxay isbuucaan la ciyaarayaan Levante, ka dib PSG ayay wajahaan, waxaa ugu xigta Sevilla, Osasuna ayay gurigooda kula ciyaarayaan, ugu danbeyna waxay bisha September ku soo xirayaa Madrid Derby.

“Waa run haddii aan natiijooyin la arkin bishaan September, inay hubaal noqon doonto inaan aragno tababare cusub bisha December. Natiijo kaliya ma ahan laakiin xaalada ma aysan noqonin sidii uu Zidane filayay iyo sidii uu Perez [madaxweynaha kooxda] filayay. Farqiga u dhaxeeya labadooda ayaana sii weynaaday.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Caawinta Falastiin, Dhiiga Iyo Dhuuxa Uu Ku Deeqo Iyo 18 Arimood Oo Cristiano Ronaldo Ka Dhigaya Xiddiga Ugu Naxariista Badan Dunida

“Zidane wuxuu doonayay Pogba, Perez si weyn uma uusan dooneynin Pogba, si kastaba Manchester United ma aysan iibinin. Si kastaba Real Madrid waxay tiri waxaan keeni karnaa Van de Berg ama Christian Eriksen laakiin Zidane ayaa ku adkeystay Pogba.

“Waxay taasi keentay inaan helno Real Madrid oo aan awood badan ku laheyn khadka dhexe, laakiin waxaa taas ka sii daran in Zidane uu balanqaaday xilli ciyaareedkii hore inuu isbedel weyn ku sameynayo kooxda, laakiin ciyaartoydii la soo gaday Hazard oo dhaawac ahaa kaliya ayaa shaxda soo galaya kuwa kale waa keyd, sidaasi darteed isbedel ma jiro.

“Spain waxaa jooga seddex joornaaliiste oo haddii aad akhriso aad akhrineyso waxa uu ku fekerayo Florentino Perez, waxayna bilaabeen inay eedeeyaan Zidane, waxayna taasi la micno tahay bilowgii dhamaadka Zidane.”

Advertisements

Waxaa la weydiiyay haddii la ceyriyo Zidane ka hor dhamaadka sannadkan tababaraha uu filayo inuu bedeli doono.

“Waa kuma tababaraha weyn ee diyaarka ah ee iska diiday dalab qaali ah uu ka helay Shiinaha, islamarkaana iska diiday kooxaha kal, waana uu sugayaa shaqada Real Madrid, waa Jose Mourinho.”

Comments are closed.