Khabiirka Ciyaaraha Ee Mark Lawrenson Oo Saadaaliyey Kulanka Finalka FA Cup Ee Arsenal vs Chelsea – Midkee Ayuu Koobka U Hibeeyey?

Advertisements

Finalkii 139aad ee FA Cup ayaa Sabtida ay nasiib u yeesheen inay ku kulmaan laba kooxood oo reer London ah, waxaana diiwaanka la gelin doonaa Arsenal ama Chelsea oo midkood ay koobka ugu dhex dabbaal-degi doonto garoonka qaranka ee Wembley.

Inkasta oo isbeddel lagu sameeyey qaabkii dabbaal-degga iyo sharcigii hore ee caddaynayay qaabka ay kooxda koobka ku guuleysataa u hanan doonto koobka, isla markaana kaliya gacanta looga dhiibi doono koobka kooxda guuleysata, kaddibna lagu kala dareeri doono garoonka xaflad la’aan, haddana waxay ciyaartani tahay mid xamaasaddeeda leh oo ay magac iyo maalba ku helayso kooxda guuleysata.

Khabiirka ciyaaraha Mark Lawrenson oo ka hawl-gala BBC Sports oo saadaaliya kulamada Premier League, FA Cup iyo League Cup ayaa soo saaray saadaashiisa kulankan, waxaanu labada kooxood ee reer London ka nixiyey mid ka mid ah.

Advertisements

Mark Lawrenson waxa saadaasha kulanka finalka FA Cup kala qayb-galay Josh Franceschi oo Arsenal taageere u ah iyo Willie J Healey oo Chelsea taageera.

Josh Franceschi oo ah hormoodka barnaamijka You Me at Six oo dhamaadka sannadkan soo bixi doona, waxa uu inta badan daawadaa kulamada Arsenal, halka uu abwaanka heesaha qora ee Willie J Healey uu isaguna nafta dul dhigo Chelsea.

Labadan taageere ee labada kooxood, waxa uu mid walba guusha u saadaaliyey kooxdiisa, laakiin waxa layaab leh in labadooduba ay isku natiijo sheegeen.

Josh Franceschi waxa uu saadaaliyey in Arsenal ay ku badin doonto 3-1, guusha koobkana ay garoonka Wembley oo cidlo ah ugu dabbaal-degi doonto, halka Willie J Healey uu isaguna saadaaliyey in 3-1 ay Chelsea ku badin doonto oo ay koobka ku guuleysan doonto.

Marka laga yimaaddo labadan taageere, Mark Lawrenson ayaa isaguna saadaal dhinaca goolasha kaga duwan soo saaray, laakiin mid ka mid ah labada kooxood ka farxiyey.

Mark Lawrenson waxa uu saadaaliyey in Arsenal ay 1-0 ku badin doonto, isla markaana ay koobka hanan doonto, halka Chelsea ay niyad jab kaga bixi doonto garoonka.

Haddaba, akhriste, adiguna saadaali kulanka finalka FA Cup ee Arsenal iyo Chelsea, fikirkaagana ku qor halka hoose ee falanqeynta akhristeyaasha loogu talogalay.

Advertisements

 

Advertisements
Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

84 Fekradood

  1. Waxaan ahay taagere Arsenal ah waxaan fikirkeyga ku cabirtay in kulankan uu ku dhamaan doono
    ARSENAL 2 1 CHALSEA

    THNKS

  2. Labada kox ma tagero lkn ciyartani waxay ku soo idlan 1-1 kadibna rigore ayaa la aadi donaa oo chelsea ku qaadi dontaa 4-3

  3. Chelsea 1 1 arsinal ……. Gool ku laag …………………… arsinal 4 3 chelsea

    saasaay ila tahay ………………………WAXYI IGUMA SOO DEGO HADANA WAX IMA SEEGAANE

  4. aniga hadii aan fikirkeyga ka dhiibto arsenal 1 0 Chelsea viva arsenal winner fa cup

  5. Aniga waxan ahay taageero chelsea oo ruug cadaa ah hadan saadaaliyo kulankaan oo aan isku dayo sida macquulka ah waxan isleeyahay ciyaartaan waxeey ku dhamaan doonta Chelsea 4-2 Arsenal 100% hadeeysidaas Noqoto please Gagaceeyga kor halaguso xuso insha allah baaaaaye

  6. Waxay ila yahay in koobkan chelsea qaadi doonto insha al waxa ay ku dhamaan doontaa
    Chelsea 2 Arsenal 1

  7. waxan ahay taageere kooxda gunners arsenal ah waxanan rajaynaya inay ciyaartan ku soo idlaato 3 – 0 arsenal ku badinayso goal ka u horeeya capita pierre emmeric emiliano francoz Aubameyang 😍

  8. Mark waxaan la Qaba in lagu kalla badin doono natiijo yar laakin waxaan kaga duwanahay kooxda uu siiyay natiijada iyo koobka marka waxaan rajaynaya inay noqon doono hadii Allah raali ka noqdo Ars 0—1 Che

  9. Asc anigoo ah taageere arsenal mudo 21 sano aan taageeraaayey ayaa waxan saadaal aan siineyaa xageena guusha arsenal sewalbo aan nahay marna isma isiineyno guul daro guul arsenal 2:o

  10. Aniga ahaan midna mataagero lkn waxaan ku saadaalinayaa inay arsenal rikoodhe kuqaadayso

  11. Asc magacaygu waa axmeddhicis waxaan teegeero uahay Arsenal waxaan
    rejeynayaa guul 2 iyo beer ah

  12. Waxaan filayaa in ciyaartu ku soo dhamaato

    Chelsea 1 Arsenal 0
    Goolka Willian insha allah

  13. Asc wr wb sxb awalan waan idin salamay salan ka bacdi waxa raba in aan sadalin ka bixiyo kulanka adag chelsea 4-2 arsenal mahadsanid

  14. Aniga magacaygu waa
    Qasim keyyga Yama
    wxn ahay tagero Chelsea ah
    ciyartu wxy ku dhamani
    2/0 wakasa

  15. Dab an chelsea ayaa dhan walba ka fcn arsenal siida daraadeed guushu waa iskacadahay waa in aan xasuusinaa wixi ka dhacay Baku e urub league an ku dhignay

  16. Hadan Raigeega kadhiibto
    Warka isma sarnee
    Waxaa samashaadi doono
    Koxda iyo tageeraha Arsenal

    Ciyartana waa. Arsenal. 3
    Chelsea. 1

  17. Asc eid wanagsan bahda sportiska ee laacip waa abdirashid mohamed .chelsea ayaa 2-1 ku badineyso kulangan waa sidaan is leyahay

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*