Khabiir Paul Merson Oo Saadaaliyay Kooxda Liverpool Ku Garaaci Doonta Hanashada Horyaalka Premier League

Khabiirka kubada cagta Ingariiska Paul Merson ayaa aaminsan in Chelsea ay sarre mari doonto Liverpool islamarkaana ay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League sannadaha soo socda ka dib markii ay si fiican uga soo adeegteen suuqa kala iibsiga.

Blues ayaa qaab ciyaareed fiican ku jirta tan iyo markii uu xilli ciyaareedka dib u bilowday iyagoo badiyay seddex kulan oo isku xigta islamarkaana qarka u saaran inay xaqiijistaan u soo bixitaankooda Champions League.

Ka dib markii laga mamnuucay inay ciyaartooy la soo saxiixdaan xagaagii la soo dhaafay, Blues ayaa durbaba la soo wareegtay xiddigii RB Leipzig Timo Werner iyo xiddigii Ajax Hakim Ziyech.

Xiddigii hore ee Arsenal ahna khabiirka Sky Sports, Paul Merson, ayaa aaminsan in kooxda ka dhisan Galbeedka London inay noqon doonto awood muuqata sannadaha soo socda.

Kooxda Frank Lampard ayaa 2-1 kaga badisay Manchester City iyagoo sii xajistay booskooda loogu soo baxayo Champions League.

Merson ayaa u sheegay Sky Sports: “Inaad aado islamarkaana garaacdo Man City waa wax aad u weyn.

“Waa wax aad u weyn sababtoo ah qof walba ayaa isku dayaya inuu soo yareeyo farqiga.

“Chelsea waxaa u haray kulamo fiican haatan ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkan sidaasi darteed shaki iigama jiro inay ku dhameysan doonaan afarta kaalimood ee ugu sareysa.”

Merson ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waxaan qabaa in Chelsea ay u baahan tahay daafac bidix, waxay kaloo u baahnaan karaa daafac dhexe, markaas waxay noqon doonaan awood weyn xilli ciyaareedka soo socda. Uma maleynayo inay xilli ciyaareedka danbe ku guuleysan doonaan Premier League, laakiin farqiga ma noqon doono mid u weyn sida haatan.

“Waa koox diyaarsan. Milkiilaha sidii ugu fiicneyd ayuu sameeyay, lacagta ayuu diyaar ka dhigay.

“Wuxuu eegay xaalada, wuxuuna ku feekray ‘Tottenham waa ay dhibtooneysaa, Pep Guardiola waligiis ma joogayo City’, wuxuu isku dayayaa inay afarta sarre ka mid noqdaan oo ay farqiga soo yareeyaan ka dibna u tartamaan horyaalka.”

Isagoo hadalkiisa wata ayuu yiri: “Madaama ay Liverpool rikooro jabineysa iyagoo heysta ciyaartoy aad u fiican, kaliya waqti ayaa inaga xiga ka hor inta aysan kooxaha Barcelona iyo Real Madrid soo dalbanin ciyaartoydooda.

“Seddexda ama afarta sanno ee soo socota, amakaak ayay igu noqon doontaa haddii aysan Chelsea ku guuleysanin horyaalka Premier League.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*