Khabiir Paul Merson Oo Saadaaliyay Kaalimaha Ay Ku Dhameysan Doonaan Man United, Liverpool Iyo Chelsea

Halyeeyga Arsenal Paul Merson ayaa saadaaliyay kooxaha ku dhameysanaya afarta kaalimood ee ugu sareysa Premier League isagoo ku taagay Liverpool inay booska ugu danbeeya ee loogu soo baxay Champions League kala baxdo Chelsea.

Advertisements

Manchester City ayaa haatan 10 dhibcood oo nadiif ah ku hogaamineysa horyaalka, wuxuuna Merson sheegay inaysan jriin cid celin karta kooxda Pep Guardiola kuwaasoo badiyay 18 kulan oo isku xigta.

Kooxda deriskooda ah ee Manchester United ayaa kaalinta labaad ku jirta iyadoo xiddigii hore ee Arsenal iyo England Merson uu aaminsan yahay in Red Devils ay booskaas ku dhameysan doonto xilli ciyaareedka halka Leicester City ay ku dhameysan doonto kaalinta seddexaad.

West Ham, Chelsea iyo Liverpool ayaa haatan ku kala jira kaalimaha afaraad, shanaad iyo lixaad laakiin Merson ayaa filanaya in West Ham ay gadaal u dhici doonto halka Liverpool ay booska Champions League loogu soo baxayo uga hormari doonto kooxda Thomas Tiuhel ee Chelsea.

Advertisements

Merson ayaa u sheegay Sky Sports: “Man City afarta sarre waa ay ka mid tahay taasi waa mid iska cad waana mid sahlan. Waxaa ku jira Manchester United iyo Leicester oo ah koox aad u fiican. Seddexda ugu sareysa haatan sidooda ayay ku dhameysan doonaan feker ahaanteyda.

“Ka dib ayaa ah mid adag, waa ay ugu adag tahay inaan koox u xusho booska ugu danbeeya.

“Inkastoo ay xilli ciyaareed aad u fiican ku riyaaqayaa ma arko West Ham oo hore u sii soconeysa taasoo la micno ah in booskooda lagu tartamayo.

“Kooxda Moyes aad ayay u fiican tahay laakiin wixii aan ka arkay qeybtii labaad ee kulanka Spurs kama filayo inay sidaan ku sii socdaan ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedka.

“Everton ma lahan qaab ciyaareed joogta ah sidaasi darteed kaalinta afaraad waxaa ku tartamaya Chelsea iyo Liverpool.

“Ma garanayo sababta laakiin waa inaan doorto Liverpool. Fadlan ha i weydiinan sababta laakiin waan ku sii kalsoonaado Jurgen Klopp iyo kooxdiisa.”

Saadaasha Paul Merson ee afarta sarre:

Manchester City

Manchester United

Leicester City

Liverpool

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*