Kevin De Bruyne ayaa rumaysan in guul-darradii kooxdiisa kasoo gaadhay kulankii Manchester derby ay ka caawin doonto inay dib u helaan feejignaan si ay ugu guuleystaan kulamada kale ee u hadhsan, isla markaana ay gacanta ugu dhigaan koobab.
Manchester City ayaa laga soo afjaray 21 guulood oo xidhiidh ahaa iyo 28 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo aan laga badinin, waxaana dhexda u gashay Manchester United oo ku garaacday 2-0 kulan ka dhacay garoonka Etihad Stadium.
Inkasta oo laga badiyey, haddana Manchester City ayaa 11 dhibcood oo nadiif ah ku haysa hoggaanka horyaalka Premier League oo dhamaadkiisa ay ka hadhsan yihiin 10 ciyaarood, waxaanay ku riyoonayaan in afar koob ay ku guuleystaan xilli ciyaareedkan.
City ayaa taagan finalka tartanka EFL Cup oo ay wada ciyaari doonaan Tottenham, waxa kale oo u gudubtay semi-finalka FA Cup, halka Champions League ay lug lasii gashay wareegga siddeedda iyagoo 2-0 ku garaacay Borussia Monchengladbach ciyaartii hore ee wareegga 16ka.
Xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne ayaa ku dooday in guul-darradii Man United ay kooxdiisa kusoo celinayso inay yeeshaan yool ah inay koobab ku guuleystaan halkii ay markii hore ka fikirayeen inay rikoodhka guulaha sii wadaan, waxaanu yidhi: “Dabcan ma fiicna in aad guul-darraysato ciyaarta derby-ga.
“Laakiin mararka qaarkood waa lama huraan inaad hesho kulamo adag oo xataa qaarkood aad khasaarto, sababtoo ah wax badan ayaad ka baranaysaa waqtiyadan oo kale, annaguna waa in aanu hadda dib u helno yoolka oo aanu si adag u shaqayno, si aanu diyaar ugu noqono Arbacada.
“Farqi ayaa jira balse waa in aanu diiradda saarno Southampton. Macne ma samaynayso sida farqigu u weyn yahay maadaama aanu doonayno inaanu guuleysano ciyaarta xigta.”
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora