Kooxda Chelsea ayaa lagu soo warramayaa inay dhigeeda Inter Milan ula tagayso dalab ay ku doonayso kubad sameeyaha aan farxada badan ku haysan ee Christian Eriksen iyaga oo dooaya inay kaga bedeshaan xiddiga ree Talyaani ee Jorginho.
Dhaq-dhaqaaqan lama filaanka ah ee ay Chelsea samaynayso ayaa Eriksen ku hoggaamin kara inuu u saxeexo kooxda uu xifaaltanka ba’ani kala dhaxeeyay kooxdiisii hore ee Tottenham halka uu Eriksen ku noqon karo kubadda cagta Serie A.
Chelsea ayaa xilli horeba samaysay dhaq-dhaqaaqeeda oo la xidhiidhay Inter oo uu tababare ka yahay macalinkeedii hore ee Antonio Conte iyagoo kala hadlay ganacsi ay xagaaga samayn karaan sida uu sheegayo wargeyska Calciomercato.
Inter ayaa mar lala xidhiidhinayay saxeexa Jorginho markii uu xiddigaasi si weyn hoos uga dhacay xulashada kooxda wakhtigii tababare Frank Lampard.
Blues ayaa aaminsan in Jorginho uu suuqa kaga qiimo badan yahay Eriksen waxaana ay ka dalban doonaan inay soo raaciyaan lacag dheeri ah.
Iyagoo ka warqaba sida ay Inter ula dhacsan tahay saxeexa Jorginho iyo inuu Conte doonayo inuu hab ciyaareedkiisa ku xoojiyo, Chelsea ayaa dalban doonta 20 Milyan oo euro oo dheeri ah sida ay warbixintu sheegayso.
Xiddiga Danish-ka ah ayaa 29 sano jir noqon doona Axada halka Jorginho uu xagaaga 30 jirsan doono, wadahadalada labada kooxood u dhaxeeya ayaa la xusayaa inay wali marxalado hore marayaan.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora