KASHIFAAD: Sababta Ay Tottenham Masuulka Uga Tahay In Ole Gunnar Solskjaer Aan Laga Ceyrin Old Trafford Oo Banaanka Lasoo Dhigay.

Advertisements

Jamaahiirta Man United ayaa walaac ka qaba mustaqbalka kooxda hadii uu sii joogo Ole Gunnar Solskjaer kadib markii uu wakhti aan qurux badneyn u horseeday fasalkaan.

Halyeeyga Red Devils ayaa bishii Maarso ee sanadkii hore si rasmi ah ula wareegay kooxda ka dhisan Old Trafford, balse tan iyo markaas 12-guuldaro, 11-guul iyo 9-barbaro ayuu kasoo hoyay kulamada horyaalka Premier League.

Marka laga hadlo natiijooyinkiisa wuxuu u qalmaa in laga ceyriyo shaqada kooxda, balse waxaa jira warar hoose oo sheegaya inuusan macalinkaan sii fariisan doonin bilaha soo aadan kursiga kooxda, waa hadii uu isbadal la imaan waayo.

Iyadoo ay taasi jirto, hadana waxaa jira fikrado ku tusinaya in Tottenham ay masuul ka tahay in Red Devils ay wakhtigaan sii heysato Ole Gunnar Solskjaer maadaama uu xaniban yahay tababarahii ay iska ceyriyeen ee Mauricio Pochettino.

Macalinka reer Argentina waa mid aan wax shaqo ah heynin, balse uma furna inuu inta ka dhiman fasalkaan u wareego koox ka dhisan Premier League, hadii kale wuxuu bixinayaa lacag dhan 10 Malyan oo Pound.

Daniel Levy oo ah gudoomiyaha Spurs ayaa heshiiskaan la galay macalinkii hore Southampton, wuxuu u furan yahay inuu qabto koox walba oo kale dunida ah marka laga reebo kuwa Premier League, balse sidoo kale wuu dhacayaa heshiiskaan marka la gaaro bartamaha sanadkaan.

Maadaama ay adag tahay in Red Devils ay 10 Malyan oo Pound ka bixiso Mauricio Pochettino oo la fahamsan yahay inuu yahay tababaraha ay dooqa koowaad la doonayaan hadiiba ay ceyrin lahaayeen Ole Gunnar, waxey go’aansadeen iney aaminaan macalinka reer Norway.

Advertisements

Waxaa la aaminsan yahay in Pochettino ay xiriir fiican la leeyahiin maamulka Man United, sidoo kalana Ed Woodward uu isku dayay inuu ku badalo Jose Mourinho ka hor inta aan si kumeel gaar ah loo magacaabin Ole Gunnar.

Ole Gunnar wuxuu shirkiisa jaraa’id ee ugu dambeeyay ku sheegay inuu u baahan yahay wakhti badan maadaama Jurgen Klopp ay afar sano ku qaadatay inuu dhiso kooxda hadda waaleysa yurub iyo Ingiriiska.

Comments are closed.