Weeraryahanka reer France ee Karim Benzema ayaa ka maqnaan doona safarka kooxdiisa Real Madrid ay Arbacada ku tegayso waddanka Talyaaniga oo ay kula soo ciyaari doonto Atalatna lugta hore ee wareegga 16ka tartanka Champions League.
Real Madrid oo qaab ciyaareed wanaagsan ku jirtay kulamadii ugu dambeeyey oo ay afar guulood oo xidhiidh ah kasoo hoysay horyaalka LaLiga markii ugu horreysay xili ciyaareedkan, ayaa waxa ciyaartii ugu dambaysay ka maqnaa Kariim Benzema oo ku dhaawacmay kulankii Valencia.
Tababare Zidane ayaa rajaynayay inuu dib u heli doono Benzema oo uu diyaar u noqon karayo kulanka Atalanta, hase yeeshee maanta ayaa loo xaqiijiyey in uu xisaabta ka saaro laacibkan oo uu dib ugu noqdo safkiisa, kana raadsado ciyaartoydiisa laacib kale oo booskaas ka dheeli kara.
DHaawaca Karim Benzema ayaa ka dhignaan doona in Zidane aanu ciyaartan heli doonin sagaal ka mid ah xiddigihiisa oo aan qayb ka noqon doonin safarka Bergamo, iyadoo maqnaanshaha Benzema ay uga sii dhibaato badan tahay ciyaartoyda kale.
Karim Benzema oo Real Madrid u dhaliyey 17 gool xili ciyaareedkan, isla markaana saxeexay 34 boqolkiiba goolasha kooxdiisu dhalisay, ayaa waxa uu liiska maqaneyaasha kula biirayaa Sergio Ramos, Eden Hazard, Fede Valverde, Rodrygo, Marcelo, Eder Militao, Dani Carvajal iyo Alvaro Odriozola.
Laacibka khadka dhexe ee Casemiro ayaa noqon doona ciyaartoyga ugu goolasha badan kooxdiisa ee qaybta ka ah safarka Atalanta, waxaana kusoo xiga Luka Modric oo afar gool saxeexay iyo Vinicius oo kaliya saddex gool dhaliyey xili ciyaareedkan, waana sababta uu Zidane uga walaacsan yahay dhaawaca Benzema.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora