Karim Benzema Oo Qarka U Saarnaa Inuu Ku Biiro Juventus

Weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema waxa uu qarka u saarnaa in uu ku biiro kooxda haysata horyaalka Talyaaniga ee Juventus, sida uu sheegay laacibkii hore dhexda uga ciyaari jiray Old Lady ee Claudio Marchisio.

Advertisements

Benzema oo Real Madrid ay sannadkii 2009 kala soo wareegtay Lyon ayaa ka mid noqday ciyaartoyda ugu goolasha badan taariikhda Los Blancos iyadoo 545 kulan oo uu saftay uu u dhaliyey 272 gool, waxaase ka hor intii aanu tegin Spain uu u dhowaa inuu u dhaqaaqo Talyaaniga.

Laacibkii hore ee khadka dhexe ee Juventus ee Claudio Marchisio ayaa sheegay in ka hor intii aanu u dhaqaaqin Real Madrid, uu Benzema u dhowaa inuu ku biiro Juventus, laakiin uu ugu dambayntii doortay kooxda reer Spain.

Isaga oo u warramayey YouTube-ka ‘Cronache di Spogliatoio, waxa uu Claudio Marchisio oo ka hadlayay Benzema uu yidhi: “Benzema waa ciyaartoy wanaagsan, waxaanu u dhowaa in uu kusoo biiro Juventus sannadkii uu Ciro Ferrara tababaraha u ahaa kooxda.

Advertisements

“Waa wax laga xumaado in aanu kooxda imanin, kaddib markii uu Cristiano Ronaldo ka tegay Real Madrid, isaga ayaa ah ciyaartoyga kaliya ee goolasha u dhalinaya.”

Advertisements

Maxaa lagala socday sheekada Juventus iyo Benzema?

Xilli ciyaareedka uu Marchisio ka hadlayaa waa 2009-10, markaas oo tababaraha Juventus uu ahaa Ferrara, isla markaana uu Benzema xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyey ku qaadanayay Lyon.

Real Madrid ayaa 35 milyan oo Euro kula soo wareegtay, waxaana uu Santiago Bernabeu ku qaadanayaa xilli ciyaareedkiisii 12aad.

Ferrara oo isku dayay in uu Benzema lasoo saxeexdo ayay Real Madrid kaga adkaatay, waxaana Juventus ay xilli ciyaareedkaas horyaalka Serie A ka gashay kaalinta toddobaad, waxaanay taasi keentay in tababarahan shaqada laga caydhiyo iyadoo Champions League na ay kaga hadheen wareeggii group-yada.

Real Madrid ayaa iyaduna farxad la wadaagaysa Benzema oo sannadkiisii 12aad ee uu xidhan yahay garanka cad sii wada dhalinta goolasha, isagoo kula guuleystay tartan walba oo suurtogal ahaa.

Dhinaca gool-dhalinta ayuu noqday ciyaartoyga shanaad ee taariikhda Real Madrid ugu goolasha badan.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*