Karim Benzema Oo Ka Hadlay Maxkamadda La Saarayo Iyo Xukunka SHANTA Sano Ah Ee Uu Waajahayo

Karim Benzema ayaa ka hadlay go’aan kasoo baxay maxkamad ku taalla Faransiiska oo shalay shaacisay waqtiga la dhegaysan doono dacwad in muddo ah ku socotay, taas oo la xidhiidhay cajalad galmo oo laga duubay Mathieu Valbuena waqti uu samaynayay gogol-dhaaf.

Weeraryahanka Real Madrid ayaan u ciyaarin xulka qaranka Faransiiska tan iyo sannadkii 2015kii iyadoo sababtuna tahay fadeexaddan oo isaga lagu eedeeyey in uu qayb ahaa raggii duubay cajaladda ee madax-fursashada weydiistay Valbuana.

Advertisements

Xafiiska xeer-ilaalinta Faransiiska ayaa shalay ku dhowaaqay in maxkamadda Versailles ay dhegaysan doonto dacwadda Benzema oo uu isaguna kasoo hormuuqan doono saddex maalmood oo ah October 20 illaa October 22.

Benzema ayaa waajihi doona shan sannadood oo xadhig ah haddii lagu helo dacwaddan loo haysto oo ay u xidhan yihiin raggii marka hore duubay cajaladda, hase yeeshee waxa uu Karim ku dooday in aanu wax dembi ah lahayn.

Dhawr jeer oo hore ayuu iska fogeeyey in uu qayb ka yahay kiiskan loo haysto, isla markaana la qalad-fahmay xilli uu isku dayayey in uu saaxiibkii caawiyo oo uu ka dhameeyo hawsha cajaladdan, si aan loo fadeexadaynin.

Advertisements

Markii uu shalay soo baxay go’aanka maxkamadda, Karim Benzema ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa waxa uu ku sheegay in ugu dambayntii ay ka dhamaanayso arrintii aanay waxba ka jirin ee loo haystay.

Qoraalka ayuu ku yidhi: “Haa, ugu dambayntii, aynu aadno. Ha innaga soo xidhmo indho-shareerku si abadiyan ah.”

Karim Benzema ayaan looga yeedhin xulka qaranka Faransiiska isagoo ka qaday Koobkii Adduunka, laakiin waxa uu u ciyaaray 81 ciyaarood oo uu u dhaliyey 27 gool.

33 jirkan ayaanu kiiskani saamayn ku yeelanin qaab ciyaareedkiisa Real Madrid, waxaanu dedaal dheeraad ah samaynayaa xilli ciyaareedkan oo 32 ciyaarood oo uu saftay uu dhaliyey 23 gool.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*