Karim Benzema Oo Barbareeyay Lionel Messi Laakiin Waxaa Ka Horeeya Mbappe Iyo Lewandowski

Advertisements

Karim Benzema ayaa weli ah xiddiga ugu muhiimsan Real Madrid sannadkan 2019.

Weeraryahanka Faransiiska ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ay Los Blancos kaga badisay kooxda Sevilla kulankii xalay ka dhacay garoonka Sanchez Pizjuan, isagoo gaaray goolkiisii 20aad ee sannadkan 2019.

Kaliya afar xiddig kale ayaa tiradaas gaaray sannadkan 2019 shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub kuwaasoo kala ah Leo Messi, Robert Lewandowski, Kylian Mbappe iyo Sergio Aguero.

Lionel Messi ayaa 20 gool u dhaliyay Barcelona sannadkan 2019, isagoo kaliya horyaalka ku soo laabtay kulankii habeen hore ee Barcelona ay guuldarada ka soo gaartay kooxda Granada.

Sannadkan waxaa min 20 gool dhaliyay Messi, Benzema iyo Sergio Aguero laakiin waxay hal gool ka danbeeyaan weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski iyo xiddiga Paris Saint-Germain Kylian Mbappe.

Advertisements

Xiddiga Faransiiska ayaa dhaawac uga maqan PSG halka xiddiga reer Poland uu sagaal gool dhaliyay shantii kulan uu saftay Bundesliga xilli ciyaareedkan, labo gool uu ka dhaliyay Hertha Berlin, seddex uu ka dhaliyay Schale, labo uu ka dhaliyay Cologne isbuucaan iyo min gool uu ka dhaliyay Mainz iyo Leipzig.

Messi ayaa ah xiddiga kaliya ee aan shabaqa soo taabanin shantaan xiddig madaama uu dhaawac ku maqnaa iyadoo Aguero uu sideed gool dhaliyay lix kulan uu u saftay Manchester City halka Karim Benzema uu shan gool u dhaliyay kooxda Los Blancos.