Karim Benzema Oo 4 Gool Dhaliyey, Gareth Bale Oo Dhaqan Xumo Kale Sameeyey & Real Madrid Oo Xasuuq Ku Bilowday Xili Ciyaareedka Cusub

Advertisements

Real Madrid ayaa xasuuq ku furatay xili ciyaareedka cusub, waxaanay kulan saaxiibtinimo oo ay iskugu diyaarinayeen horyaalka LaLiga oo ay usbuucan ciyaarayaan kulankooda ugu horreeya ay kasii horreysiiyeen dhoolatus cajiib ah oo ay garoomada kasii sameeyeen.

Los Blancos ayaa xalay garoonkeeda Estadio Alfredo di Stefano waxay ku qaabishay Getafe oo ay ciyaar saaxiibtinimo isku haleeleen, waxaana wacdaro dhigay Karim Benzema oo afar gool dhaliyey, taas oo goolasha uu xili ciyaareedkan dhaliyey sare usii qaadday.

Weeraryahanka reer France oo ahaa shaqsiga ay goolashiisa inta badan ku tiirsan tahay Real Madrid intii uu Cristiano Ronaldo ka tegay xagaagii 2018, ayaa kooxdiisa u hibeeyey afar gool oo uu ku muujiyey inuu diyaar u yahay inuu u halgamo sidii ay Los Blancos u difaacan lahayd horyaalka LaLiga ee ay xili ciyaareedkii hore qaabka wanaagsan ku qaadeen.

Advertisements

Afar gool oo uu dhaliyey Karim Benzema, mid uu ku daray da’yarka Sergio Arribas oo khadka dhexe ka ciyaarayay iyo Kabtan Sergio Ramos oo goolkiisa ku darsaday ayaa ciyaarta kusoo afjaray 6-0 ay guushu ku raacday Real Madrid, halka Getafe ay ku fashilantay inay soo taabato shabaqa Los Blancos.

Intii dhoolatuska Real Madrid uu socday, waxa dhaqan xumooyinkii lagu yaqaanay sameeyey Gareth Bale oo la sheegay inuu dhaawac yahay, isla markaana joogay garoonka Alfredio di Stefano ee ay ciyaartu ka dhacday.

Laacibka reer Wales oo lala xidhiidhinayo horyaalka Premier League oo ay ku loollamayaan labada kooxood ee Manchester United iyo Tottenham ayaa waxa uu iskaga baxay garoonka oo uu ka daawanayay ciyaarta daqiiqaddii 27aad, waxaanu kaxaystay baabuurkiisa oo u yaallay baarkinka garoonka.

Si kastaba, Karim Benzema ayaa ay habeen farxadeed u ahayd, waxaanu xaqiiqsaday 57 gool oo uu u dhaliyey Real Madrid labadii sannadood ee uu Cristiano Ronaldo kasii maqnaa.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*