Kalidou Koulibaly Oo Fariin U Diray Man United Ka Hor Inta Aan La Gaarin Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Bisha January.

Advertisements

Kalidou Koulibaly ayaa biyo qabow ku shubay wararka sheegaya inuu isaga tagayo kooxdiisa Napoli, wuxuuna qiray inuu doonayo sii joogista koonfurta talyaaniga isla markaana hammigiisa uu yahay inuu wax uun kula guuleysto kooxda uu hadda ku sugan yahay.

Daafacaan tayada wanaagsan wuxuu ku jiraa liiska ciyaartoyda ay isha ku heyso Man United, iyadoo la ogyahay iney labadii suuq ee lasoo dhaafay isku dayday saxiixiisa ka hor inta aysan ku hungoobin.

Kooxda shayaadiinta cas-cas waxey daafacii ebid ugu qaalisanaa kubadda cagta ka dhigeen Harry Maguire, balse Ole wuxuu doonayaa inuu daafaca sii xoojiyo isla markaana keeno xiddig kale oo awood dheeri ah kusoo kordhiya.

Si kastaba Koulibaly wuxuu u sheegay kooxaha doonaya inuusan wakhtigaan ka fakareynin wax ku saabsan inuu ka tago Napoli.

“Waan la qabsaday, sheekooyinka soo baxa maalin walba, kuwaas oo sheegaya inaan ka tagayo Napoli” ayuu yiri Kalidou Koulibaly.

“Hadda, hammigeyga waa inaan koob kula guuleysto Napoli, waxa kasoo haray shaqo kuma lihi”

Advertisements

“Hammigeena waa inaan garaacno kooxaha ugu wanaagsan horyaalka talyaaniga si aan horyaalka ugu guuleysano, xilli ciyaareedkaan aad ayey u dhib badan tahay sababtoo ah kooxaha wey is xoojiyeen, horyaalkana wuxuu noqday mid aad loogu tartamo”

“Sidii ugu fiicneed kuma bilaaban, Juventus wali waa koox laga adkaan karo, anaga ahaan waa inaan si adag u shaqeyno, isla markaana hormarino ciyaaraheena si aan ugu dhawaano”

Comments are closed.