Kahor Kulankooda Adag Ee Toddobaadka Dambe, Pep Guardiola Oo HAL Dabeecad Oo Ay Liverpool Xilli Ciyaareedkan Yeelatay Kusii Amaanay.

Advertisements

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa amaan kala dul dhacay dhigooda Liverpool kahor kulanka aadka u adag ee ay toddobaadka dambe labada kooxood isku arki doonaan Anfield.

Liverpool iyo Manchester City ayaa labaduba xalay guulo gaadhay walow ay labaduba marka hore u muuqdeen inay dhibco lumin doonaan, Labada kooxood ee loolanka ugu adag ugu jira horyaalka ayaa min 2-1 ku guuleystay.

Guusha Reds ayuu udub dhaxaad u ahaa Sadio Mane oo caawiye ka ahaa goolka Robertson midna dhaliyay halka guusha Sky Blues uu muhiim u ahaa Kyle Walker oo caawiye ka ahaa goolka Aguero midna dhaliyay.

Haddaba, Iyadoo ay sidaas tahay labada kooxoodna ay kulan ku leeyihiin Anfield toddobaadka dambe ayuu haatan Aguero amaanay qaabka ay Liverpool u guuleysato iyadoo la filayo inay City guul gaadhayso Liverpool-na guuldarro la kulmayso iyo waliba hibada kooxda.

Pep ayaa yidhi “Markii aanu guuleysanay, Liverpool may guulaysanayn (Kulankii Aston Villa ee xalay), Waxa dhacay markaliya muu dhicin, Laba muu dhicin laakiin in badan ayuu dhacay sababtoo ah hibada (Xiddigaha Liverpool)”.

Advertisements

“Marka ay guulaystaan kulamo badan daqiiqadaha ugu dambeeya waa sababtoo ah waxa ay leeyihiin hibo gaar ah, Way wanaagsantahay”.

“Xilli ciyaareedkii ugu horreeyay, Midkii aanu 100-ka dhibcood ku qaadnay Waxaanu guuleysanay afar ama shan kulan daqiiqadaha ugu dambeeya xilli ciyaareedkii horena inta ugu badan kulamada waxaanu ku guulaysanay si raaxo leh”.

Comments are closed.