Kaddib Ceebtii West Ham Kasoo Gaadhay, Halyeey Patrice Evra Oo Farriin Cad U Diray Maamulka Man United & Jago Ay Kasoo Bixi Waayeen Oo Uu Ka Doonayo Inay U Dhiibaan.

Advertisements

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Patrice Evra ayaa farriin cad hawada u mariyay boodhka sarre ee kooxdiisii hore oo u muuqda kuwo gabi ahaanba ku fashilmay socodsiinta kooxdooda isaga oo jago sarre ka doonaya.

Mid kamida dhibaatooyinka ugu waaweyn ee Red Devils ayaa loo arkaa inaysan kooxdu lahayn agaasime ciyaareed isla markaana uu suuqa u galo uun guddoomiye ku xigeenka kooxda ee Ed Woodward.

Saxeexyada sida joogtada ah fashilka u noqonaya ee ay Manchester samaynaysay xilli suuqyadii ugu dambeeyay ayaa inta badan loo aanaynayaa sababta ah in Woodward uusan lahayn aragti kubadda cagta ah iyadoo tababarihii hore ee kooxda ee Van Gaal uu ku sheegay inuu yahay shaqsi aragtida baananka leh (Banker).

Haddaba, Iyadoo booska agaasimaha ciyaaraha ee kooxda lala xidhiidhinayo halyeeyo badan oo United ah oo ay kamid yihiin Edwin Van der Sar oo haatanba booskaas oo kale ka haysta Ajax iyo Patrice Evra ayuu haatan Evra warkiisa caddeeyay.

Evra oo u muuqday mid dhibsaday guuldaradii kooxdiisii hore kasoo gaadhay West Ham United shalayto ayaa maamulka sarre ee kooxdaas barta Instagram ugu diray farriin uu ku weydiinayo haddii ay diyaar u yihiin inuu la shaqeeyo.

Advertisements

Patrice ayaa Instagram ku yidhi “Waxaan filayaa inay tahay wakhtigii aanu gacmahayaga wasakhayn lahayn, Boodhka Manchester United, Diyaar ma u tihiin inaad noo ogolaataan inaanu idin caawino ragoow?”.

Evra ayaa kamida halyeeyada Man United kuwooda inta ugu badan sida damqashada leh uga hadla dhibta kooxdaas isagoo dhawaanahan qayb kasoo ahaa tababaradii ay xiddiguhu samaynayeen.