Ka Dib Rikoodhkii Ay Jabisay Arsenal, Waa Kuwee Kooxaha Ugu Koobab Badan London? Tirada Koobabka Ay Qaadeen Gunners, Chelsea & Tottenham?

Advertisements

Arsenal ayaa hanatay koobka FA Cup markii 14aad waa rikoodh cusub. Ma jirto koox ka ciyaarta Ingariiska oo 14 jeer ku guuleysatay koobka ugu da’da weyn kubada cagta caalamka.

Gunners waxay koobka ka qaadeen kooxda ay ku xafiiltamaan London ee Chelsea ka dib markii ay 2-1 ku garaaceen finalkii shalay ka dhacay garoonka Wembley.

Inkastoo Arsenal ay tahay kooxda ugu guulaha badan koobka FA Cup ee kubada cagta Ingariiska, hadaba halkee ayay kaga jirtaa wadarta koobab ee kooxaha ay kawada dhisan yihiin magaalada London.

Advertisements

Gunners ayaa ah kooxda ugu koobabka badan kooxaha ka dhisan magaalada London, waxay wadar ahaan ku guuleysteen30 koob oo waa weyn, waxaan xisaabta lagu darin koobabka yar yar sida kuwa kuwa heerka labaad, Community Shield iyo Fairs Cup.

Waxaa ku soo xigta Chelsea oo wadar ahaan ku guuleystay 25 koob oo waa weyn, halka Tottenham ay qaaday 17 koob oo waa weyn.

Arsenal ayaa sidoo kale ah kooxda hanatay horyaalada ugu badan kooxaha London, waxay horyaalka Ingariiska qaadeen 13 jeer, halka Chelsea ay qaaday lix jeer iyadoo Tottenham ay ku guuleysatay kaliya labo jeer.

Seddexdaas kooxood ayaana kaliya hantay horyaalka Ingariiska kooxaha ka dhisan London oo idil.

FA Cup waxaa ugu guulo badan Arsenal oo 14 jeer hanatay, waxaa ku soo xigta Chelsea iyo Tottenham oo min sideed jeer ku guuleystay, waxaa seddexaad ku jirta kooxdii burburtay qarnigii 19aad ee Wanderers oo shan jeer ku guuleysatay halka West Ham ay seddex jeer ku guuleysatay.

Koobka League Cup ee haatan loo yaqaano Carabao Cup waxaa ugu guulo badan Chelsea oo shan jeer ku guuleysatay, waxaa ku soo xiga Tottenham oo afar jeer ku guuleysatay halka Arsenal ay kaliya labo jeer hanatay.

Marka tartamada Yurub la yimaado waxaa ku gacan sareysay Chelsea oo ku guuleysatay Champions League, min labo jeer oo ay qaadeen Europa League iyo UEFA Cup Winners Cup iyo hal jeer oo ay ku guuleysteen UEFA Super Cup.

Waxaa ku soo xigta Tottenham oo ku guuleysatay Europa League labo jeer iyo UEFA Cup Winners Cup oo ay hal jeer qaadeen. Gunners waxay qaaday kaliya UEFA Cup Winners Cup hal jeer, waligeed ma qaadin Champions League ama xitaa Europa League oo markii hore loo aqoon jiray UEFA Cup.

Kooxaha Ugu Koobabka Badan London:

Arsenal – 13 Premier League, 14 FA Cup, 2 League Cup, 1 Cup Winners Cup

Chelsea – 6 Premier League, 8 FA Cup, 5 League Cup, 1 Champions League, 2 Europa League, 2 Cup Winners Cup, 1 Uefa Super Cup

Tottenham – 2 Premier League, 8 FA Cup, 4 League Cup, 2 Europa League, 1 Cup Winners Cup

West Ham – 3 FA Cup, 1 Cup Winnes Cup, 1 Uefa Intertoto Cup

Advertisements
Advertisements
Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*