Ka Hor Kulamada Champions League, Waa Kuwee Kooxaha Todobaadkan U Soo Bixi Kara Wareega 16ka Champions League?

Advertisements

Tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League ayaa todobaadkan dib u soo laabanaya kadib kulamadii caalamiga ahaa iyo kulamadii horyaalada kale ee la soo ciyaaray waxaana jiri doona kooxo wareega 16ka UCL u soo bixi kara.

Waxaa jira lix kooxood oo todobaadkan u soo bixi kara wareega 16ka  tartanka UEFA Champions League iyaga oo kooxahani awoodi kara in ay kulamada shanaad iyo lixaad ee tartankan nasin karaan xidigahooda muhiimka ah.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa xog aad u baahan tahay in aad sii ogaato ka hor kulamada talaadada iyo arbacada ee Champions League iyo kooxaha u soo bixi kara wareega 16ka inta lagu jiro kulamada afraad ee heerka guruubyada UCL.

Haddaba waa kuwee kooxaha talaadada iyo Arbacada u soo bixi kara wareega 16ka kooxood ee Champions League?

Kooxaha kala ah Atlético Madrid, Bayern München, Juventus, Manchester City, Napoli iyo Paris Saint-Germain ayaa ah lixda kooxood ee todobaadkan iska xaadirin kara wareega 16ka kooxood ee Champions League iyada oo aan xataa la ciyaarin kualmada 5 aad iyo 6 aad.

Haddaba si aanu ogaano xaalada ay kooxahani ku soo bixi karaan iyo waliba dhibcaha ay koox kasta oo heerka groupyada Champions League ahi haystaan halkan ayaad kaga bogan kartaan.

Kulamada Afraad Ee Talaadada Ee Tartanka Champions League:

Group E: Napoli (7 points) v Salzburg (3), Liverpool (6) v Genk (1)

  • Napoli ayaa soo bixi doonta haddii ayna Genk guul ka gaadhin Liverpool.

Group F: Barcelona (7) v Slavia Praha (1), Borussia Dortmund (4) v Internazionale Milano (4)

  • Ma jirto koox Group F ka soo bixi karta kulamada afraad ee todobaadkan.

Group G: Zenit (4) v RB Leipzig (6), Lyon (4) v Benfica (3)

  • Ma jirto koox Group G ka soo bixi karta kulamada afraad ee todobaadkan.

Group H: Chelsea (6) v Ajax (6), Valencia (4) v LOSC Lille (1)

  • Ma jirto koox Group H ka soo bixi karta kulamada afraad ee todobaadkan.

Kulamada Afraad Ee Arbacada Ee Tartanka Champions League:

Group A: Paris Saint-Germain (9) v Club Brugge (2), Real Madrid (4) v Galatasaray (1)

  • PSG ayaa soo bixi doonta haddii ay guulaysato kulankeeda ama ay barbaro gasho haddii ayna kooxda Galatasaray guul ka gaadhin Real Madrid.
  • PSG ayaa sidoo kale kaalinta kowaad ee Group A si rasmi ah ugu guulaysan karta haddii ay kulankeeda Club Brugge guulaysato isla markaana ay barbaro galaan Real Madrid iyo Galatasaray.

Group B: Bayern München (9) v Olympiacos (1), Crvena zvezda (3) v Tottenham Hotspur (4)

  • Bayern Munich ayaa u soo bixi doonta wareega 16ka haddii ay guulaysato ama ay barbaro gasho haddii ay Tottenham guul ka gaadho kooxda Red Star Belgrad.
  • Bayern Munich ayaa kaalinta kowaad ee Group B si rasmi ah ugu guulaysan doonta todobaadkan haddii ay guulaystaan isla markaana ay barbaro ku dhamaado kulanka Tottenham iyo Red Star.

Group C: Atalanta (0) v Manchester City (9), GNK Dinamo (4) v Shakhtar Donetsk (4)

Advertisements
  • Manchester City ayaa wareega 16ka UCL u soo bixi doonta haddii ay ka guulaysato Atalanta, waxayna City kaalinta kowaad ugu guulaysan doontaa Group C haddii ay kulanka Dinamo iyo Shakhtar uu barbaro ku dhamaado.

Group D: Lokomotiv Moskva (3) v Juventus (7), Bayer Leverkusen (0) v Atlético Madrid (7)

Juventus ayaa ku soo bixi karta guul ay gaadho halka Atletico Madrid ay u soo bixi karto wareega 16ka haddii ay guulaystaan isla markaana ay guuldaro la kulanto Lokomotiv Moscow.

One response to “Ka Hor Kulamada Champions League, Waa Kuwee Kooxaha Todobaadkan U Soo Bixi Kara Wareega 16ka Champions League?”

  1. Qoraalka iska sax group A napoli ayaa soo bixi karta haddii laga badiyo liverpool ayad dhahden. Ok napoli hadii laga badiyo liverpoolna laga badiyo Fursad isku mid uma haystaan miyaa Sadexda kooxoodba macal Salzburg ki dar. Ilayn waa Salzburg 6, liverpool 6, Napoli 7 marka groupkan waxa uu siisugayaa wareegyada xiga.

    Liverpool kaliya in laga badiyo napoli uma suurogalinayso inay soo baxdo waa inay iyaduna 3 dhibcood ka heshaa Salzburg