Ka Dib Labadii Gool Ee Kylian Mbappe Halkee La Kala Marayaa Gooldhalinta Champions League Xilli Ciyaareedkan

Erling Haaland ayaa hogaaminaya gooldhalinta tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan 2020/21 isagoo leh 10 gool.

Advertisements

Weeraryahanka Borussia Dortmund Haaland ayaa labo gool ka sareeya Kylian Mbappe kaasoo wacdarro ka dhigaya Champions League xilli ciyaareedkan isagoo labo gool dhaliyay xalay kulankii ay PSG 3-2 kaga badisay kooxda difaacaneysa koobka ee Bayern Munich.

Waxaa labadaan xiddig ku soo xiga dhowr ciyaaryahan oo isku goolal ah kuwaasoo kala ah Olivier Giroud, Neymar iyo Mohamed Salah halka Alvaro Morata, Marcus Rashford iyo Youssef En Nesyri ay iyaguna ku goolal yihiin balse ay tartanka ka hareen.

Xiddigaan ayaan dhamaantood wada leh min lix gool si la mid ah Robert Lewandowski inkastoo xiddiga Bayern Munich uu dhaawac ku seegi doono kulanka lugta labaad ee wareega 8da ee ay kooxdiisa booqaneyso Paris Saint-Germain.

Weeraryahanka FC Porto Sergio Oliveira iyo xiddiga Real Madrid Karim Benzema oo iyagu weli tartanka ku jira ayaa leh min shan gool.

Gooldhalinta Champions League ee 2020/21:

10 Erling Haaland (Dortmund)
8 Kylian Mbappé (Paris)
6 Álvaro Morata (Juventus)
6 Marcus Rashford (Manchester United)
6 Neymar (Paris)
6 Olivier Giroud (Chelsea)
6 Youssef En-Nesyri (Sevilla)
6 Mohamed Salah (Liverpool)
5 Robert Lewandowski (Bayern)
5 Lionel Messi (Barcelona)
5 Alassane Pléa (Mönchengladbach)
5 Ciro Immobile (Lazio)
5 Sérgio Oliveira (Porto)
5 Karim Benzema (Real Madrid)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*