Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay Kulamada Uu Sadio Mane Ku Maqnaanayo Dhaawac – Muxuuse Ka Yiri Hadalkiisii Muranka Dhaliyay Ee Ka Careysiiyay FA-ga?

Advertisements

Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in Sadio Mane uu seegi doono kulamada Premier League ee ay Liverpool la ciyaareyso West Ham iyo Southampton.

Tababaraha Reds ayaa rajeynaya in waqtigaas ka dib in xiddiga reer Senegal uu dib ugu soo laaban doono shaxda kooxda si uu uga caawiyo Liverpool xaqiijinta hanashada horyaalka.

Mane ayaa waxaa soo gaaray dhaawac muruqa ah kulankii ay Liverpool 2-1 kaga badisay Wolves, waxaana lagu qasbay inuu booska u baneeyo saxiixa cusub Takumi Minamino.

Klopp oo maanta oo Talaado ah la hadlayay warbaahinta ayaa yiri: “Sadio ma ciyaari doono kulanka West Ham, sidoo kale waxay u badan tahay inuusan dheelin doonin kulanka Southampton. Wixii ka danbeeya kulamadaas wuu fiicnaan doonaa.”

Tababaraha Reds ayaa hadalkiisa raaciyay: “Jeex yar ayaa ka soo gaaray muruqa taasoo halisteeda leh. Waxaan nasiib ku leenahay inuusan aheyn dhaawac halis badan.”

Liverpool ayaa waxay garoonka London Stadium kula ciyaareysaa West Ham habeenka Arbacada ka hor inta aysan martigelinin Southampton Sabtida.

Ka dib waxay Reds la ciyaareysaa kooxda heerka seddexaad ee Shrewsbury Town kulanka ku celiska ah ee wareega afaraad ee FA Cup.

Tababaraha Jarmalka ayaa wacad ku maray inuusan kulankaas ciyaarsiin doonin xiddigaha kooxda koowaad, isagoo sheegay inay u baahan yihiin nasasiion, inkastoo ay ciyaareen kaliya in ka badan hal kulan inta ay ciyaartay Shrewsbury xilli ciyaareedkan.

“Waxaan ku qasbanahay inaan gaaro go’aamo aan la jecleysanin” ayuu yiri Klopp maanta.

Advertisements

“Waxaan ku qasbanahay inaan go’aankeyga aan ku saleeyo xaalada aan ku jirno. Waan ka xumahay Shrewsbury, waxay aheyd in saxaafada ay idinka hadasho bedelkii ay ka hadli lahaayeen hadalkeyga.”

Isagoo ka hadlayay sababta ay u tahay in kulamada ku celiska la baabi’iyo, waxa uu yiri: “Inta badan nolosheyda waxaan ka soo shaqeeyay kana soo ciyaaray kooxaha horyaalada hoose. Kulamada ku celiska jawaab uma ahan in la caawiyo. Shrewsbury waxay ku badin kartay rigoore, waxayna u gudbi kareen wareega xiga.”

Comments are closed.