Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay Inuusan Maamuli Doonin Liverpool Kulanka Ay Lugta Labaad Ee FA Cup-ka La Ciyaari Doonaan Shrewsbury.

Advertisements

Tababare Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay inuusan maamuli doonin kooxda Liverpool kulanka ay lugta labaad ee koobka FA Cup-ka la ciyaari doonaan Shrewsbury, maadaama xilliga kulanka lagu beegay ay tahay wakhti ay fasax ku jiraan.

Laba gool uu dhaliyay Jason Cummings ayaa barbaro 2-2 ku dhameeyay kulankii ay Liverpool la ciyaareen Shrewsbury, waxaana laga yaabaa in kulanka la ciyaari 5-ta ama 6-da bisha February.

Wakhtigaas kooxda Reds waxey qeyb ka heli doontaa fasaxa la siin doono ciyaartoyda horyaalka Premier League-ga, wuxuuna macalinka Jarmalka ah xaqiijiyay in ciyaartoydiisa waaweyn aan laga dhex gali doonin wakhtigooda, taas badalkeeda dhalinyarada ayaa matali doona kooxda, sidoo kalana macalinka 23-jirada Neil Critchley ayaa kooxda hogaamin doona.

Jurgen Klopp oo hadlayay kadib ciyaarta wuxuu xaqiijiyay inuusan kulankaas kursiga keydka soo fariisan doonin, taas badalkeedana uu matali doono Critchley oo kooxda Reds maamulay kulankii ay December la ciyaareen Aston Villa koobka Carabao Cup xilli ay ciyaartoyda waaweyn ku maqnaayeen koobka kooxaha adduunka.

“Waxaan dabayaaqadii April warqad ka helnay Premier League, taasoo noo sheegeysa inaan xushmeyno xiliga fasaxa ciyaartoyda” ayuu yiri Jurgen Klopp.

“Lama ogola in wakhtigaas la agaasimo kulamo saaxiibtinimo aha xitaa kuwa rasmi ah, sidaas darteed waa inaan xushmeyno”

Advertisements

Jurgen Klopp wuxuu shaaca ka qaaday in isbuuc ka hor uu ciyaartoydiisa ku wargaliyay isbuuca qaboobaha iney leeyahiin fasax.

“Halkaas ma joogi doono, waa kulan ay ciyaari doonaan wiilasha yar yar, waan ogahay ineysan aheyn kuwa caan ah, balse waa wadada kaliya ii muuqata”

Comments are closed.