Jurgen Klopp Oo Soo Hadal Qaaday Messi & CR7 Xilli Uu Ka Hadlaayay Furaha Hormarka Xiddigahiisa Reer Africa Ee Salah & Mane.

Advertisements

Tababare Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday sababta rasmiga ah ee ka dambeysa hormarka ay gaareen labada xiddig ee Mohamed Salah & Sadio Mane, intii uu ku guda jiray ka hadalka arrintaan wuxuu soo hadal qaaday labada xiddig ee Lionel Messi & Cristiano Ronaldo.

Macalinka reer Jarmal ayaa shaaca ka qaaday in udub dhexaadka sheekada hormarka ee la xiriirta labadaan xiddig ee kasoo jeeda qaaradda Afrika uu yahay xiddiga reer Brazil Roberto Firmino, wuxuuna qiray in xiddig walba ay ku adkaan karto hadii uusan heysan xiddig isaga oo kale ah.

Salah ayaa sugaya inuu dhaliyo goolkiisii 50-aad ee horyaalka Premier League kulanka ay galabta wajahayaan Foxes, wuxuuna horay u noqday xiddigii ugu horreeyay ee dhamaan tartamada oo dhan 50-gool ugu dhaliya Reds, kaliya 65-kulan ayeyna ku qaadatay.

Xiddigaan reer Masar ayaa dhaliyay tan iyo markii uu Anfield yimid 77-gool, halka uu sameeyay 32-caawinaad, isagoo saftay 115 kulan dhamaan tartamada oo dhan.

Dhinaca kale Sadio Mane ayaa isna dagaal ugu jira inuu gaaro goolkiisii 50-aad ee Premier League, inkastoo uu horay ugu dhaliyay kooxda 66-gool, sidoo kalana 23-caawinaad ayuu sameeyay isagoo saftay 133-kulan dhamaan tartamada oo dhan.

Guulaha labadaan xiddig waxaa loo xagliyay Roberto Firmino, wadajirkooda waxey sababtay iney Reds 97-dhibcood heleen xagaagii laga soo gudbay horyaalka Premier League, sidoo kalana ay hanteen koobka Champions League.

Reds fasalkaan dhanka horyaalka dhibic ma qasaarin rikoor 100% ayeyna ku bilowdeen maadaama 21-dhibcood ay ka heleen 7-kulan.

Jurgen Klopp wuxuu soo hadal qaaday Messi iyo Ronaldo, isagoo carabka ku dhuftay iney adag tahay in la gaaro heerkooda hadii aan caawinaad laga helin saaxiibada kooxda marka laga hadlo ciyaaraha casriga wakhtigaan.

“Goolashii aan dhalinay Arbacadii kulanki RB Salzburg ee Champions League, dhamaantood ma dhici laheyn la’aanta Bobby, sax?” ayuu yiri Jurgen Klopp.

“Xiriirka u dhaxeeya waa mid wanaagsan, waana mid muhiim ah, waana sida ay kubadda cagta u shaqeyso”

Advertisements

“Kubadda cagta casriga ah ma jiro qof kaligiis sidaas sameyn kara”

“Mararka qaar waxey u muuqataa Messi iyo Ronaldo iney sameyn karaan, balse ay aad u adag tahay in sidaas la sameeyo”