Tababare Jurgen Klopp ayaa mar kale boosaska daafaca dhexe ku aaminay labo xiddig oo khadka dhexe ah Jordan Henderson iyo Fabinho halka uu kulanka adag ee caawa uu ku soo bilaabay Shaqiri.
Tababare Klopp ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta Joel Matip uu ku seegay kulanka caawa isagoo booskiisa ku soo bilaabay kabtan Henderson oo ka garab ciyaaraya Fabinho.
Isagoo la hadlayay Sky Sports ka hor kulanka Anfield, tababare Klopp ayaa yiri: “Joel Matip waxa uu ka qeyb ka ahaa tababaradii ilaa iyo Jimcaha, sidaasi darteed haatan waa Axad ma ahan waqti ku filan oo uu ku soo kabsan karo.
“Laakiin berri si caadi ah ayuu tababar uga qeyb qaadan doonaa. Waa sababta ayaa mar kale Hendo uga ciyaarsiinayo booskaan.”
Sidoo kale markii la weydiiyay inuu Shaqiri ku soo bilaabay kulanka adag ee ay la ciyaarayaan kooxda hogaamineysa horyaalka Premier League, tababare Jurgen Klopp ayaa ku jawaabay:
“Qaab ciyaareed fiican ayuu ku jiraa, wuxuu soo bandhigay ciyaar aad u sareysa kulankii ugu danbeeyay. Tababarka aad ayuu ugu fiicnaa, laxanta ciyaarta waa uu saxayaa mar walba.
“Waxa uu maalin walba soo bandhigaa inuu diyaar u yahay inuu dheelo, sidaasi darteed waan u ogolaanay inuu dheelo.”
Liverpool ayaa u baahan inay wadada guusha ku soo noqoto taasoo u saamixi doonta inay hogaanka ku qabtaan farqiga goolasha halka guul ay gaartay Man United ay la fakan doono hogaanka horyaalka.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora