Jurgen Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawacyada Kooxdiisa Liverpool Ka Hor Kulanka Norwich City.

Advertisements

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa warbaahinta ka soo hor muuqday ka hor kulanka ay kooxdiisa Reds soo dhawayn doonto kooxda Norwich City.

Jurgen Klopp waxa uu ka warbixiyay xaalada dhaawacyada kooxdiisa Liverpool iyo ciyaartoyda uu filayo in ay soo laabanayaan kulanka Norwich City.

Klopp ayaa xaqiijiyay in Sadio Mane iyo James Milner ay kooxdiisa u soo laabanayaan kulanka Norwich City taas oo muhiimad wayn u leh Reds ka hor kulankooda Champions League ee Atletico Madrid.

Sadio Mane ayaa ahaa xidiga ay jamaahiirta Liverpool ka fikirayeen haddii uu taam u noqon karo kulanka Norwich Cith iyo Atletico Madrid balse hadda Klopp ayaa cadeeyay in xidiga reer Senegal uu diyaar yahay.

Laakiin Klopp ayaa sheegay in saddex xidig ay wali ka maqnaan doonaan kooxdiisa Liverpool kuwaas oo aan wali tababarka ku soo laaban waxayna kala yihiin Shaqiri, Clyne iyo Pual Glatzel.

Klopp oo ka hadlaya soo laabashada Sadio Mane iyo James Milner ayaa yidhi: “Millie iyo Sadio way soo laabteen. Marka ay soo laabanayaan waxaad u tixgalin kartaa isla markiiba”.

Advertisements

“Marka laga reebo Shaqiri, Clyne iyo Glatzel, dhamaan ciyaartoyda kale way tababarteen. Doorashooyin fiican ayaanu haysanaa, waxaan ku rajo waynahay in ay sidan sii ahaato inta xili ciyaareedka ka hadhsan” ayuu Klopp hadalkiisa raaciyay.

Liverpool waxay barri oo sabti ah booqan doontaa kooxda heerka labaad ka baxsanaysa ee Norwich City waana kulan ay talaabo kale sare ugu sii qaadi karaan hanashada horyaalka Premier league balse imtixaanka ugu adag ee uu Klopp ka sii fikirayaa waa kulanka Atletico madrid ee talaadada.

Comments are closed.