Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Ixtiraamka Uu U Hayo Diinta Islaamka & Sida Uu U La Dhaqmo Xiddigaha Muslimka Ah Salah & Mane

Inkastoo ay aad uga soo fog yihiin dalalkooda, xiddigaha reer Masar Mohamed Salah iyo xiddiga reer Senegal Saido Mane waa kuwa ku dhegan diintooda Islaamka.

Advertisements

Xaqiiqdiina waxay noqdeen tusaale iyadoo magaalada Liverpool uu aad uga yaraaday Islaam naceybka tan iyo markii ay labadaan xiddig tageen kooxda Reds.

Ka hor ciyaar kasta, labada ciyaaryahan ayaa joogto ka dhigtay inay ciyaarta ka hor weysa qaataan islamarkaana tukadaan salaad sunno ah sida uu sheegay tababaraha Jarmalka.

Klopp ayaana isbedel u sameeyay labadaan xiddig isagoo ixtiraamaya diintooda, wuxuu soo rogay amar ah in iskululeynta la joojiyo labo daqiiqo ka hor waqtigii loogu talogalay si Salah iyo Mane ay u tukadaan ciyaarta ka hor.

“Waxaan mar walba tababarka iskuleynta ah ee ciyaarta ka hor joojinaa labo daqiiqo ka hor waqtigii loogu talogalay si aan u siino Mane iyo Salah waqti ay isku meyraan islamarkaana fuliyaan waajibaadkooda diineed sida Islaamka uu farayo. Waan awoodnaa inaan dhumino waqtigaas si aan ugu ogolaano inay sameeyaan wax iyaga muhiim weyn u ah” ayuu yiri Jurgen Klopp.

Ka hor inta uusan hadalkiisa raacinin: “Aad ayaan u jeclahay inaan heysto koox ay isagu yimaadeen xiddigo kala dhaqan duwan! Waxaan dhihi lahaa inaan kooxda ku heysto ambasadooro ka socda diinta Muslimka ah waa wax xaqiiqdii aad u weyn”

Hadalka Klopp ayaa ku soo beegmaya xilli kabtanka kooxda Liverpool Jordan Henderson uu isna dhawaan sheegay in kooxda ay go’aan ku gaartay inaysan ku dabaaldegin cabitaan khamri ah madaama aan Salah iyo Mane loo ogoleyn inay khamri taabtaan.

Advertisements

1 Fekrad

  1. I am very proud of liverpool. As i am muslim and long time liverpool fan, i am very happy to be part of such a great team with a great memory plus the respect of diversity of religions and culture.

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*