Jurgen Klopp Oo Isku Qalday Jose Mourinho Iyo Aabihiis Isagoo Marqaati Ka Dhigtay Google

Advertisements

Tababare Jurgen Klopp ayaa isku qalday Jose Mourinho iyo aabahiis kadib markii la weydiiyay booska uu ciyaari jiray macalinka Spurs, wuxuuna wariyaha ka codsaday inuu google-ka weydiiyo si loo helo booska saxda ah intii uu ku jiray shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Tottenham.

Klopp wuxuu galay kaftan kadib markii la weydiiyay cidda wanaagsaneyd isaga iyo Jose Mourinho ka hor xirfadooda tababare, wuxuuna u sheegay wariyayaasha inuusan aqoon booska saxda ah ee macalinka Spurs.

“Ha igu eedeynina hadii aan aqoon waayo, waxey ila tahay inuu goolhaye ahaa, waad ciyaari kartaa goolka hadii aadan wax badan ordi karin kulamada sadaqada aruurinta, waxaan rabaa inaan ogaado Google weydii, waxaan heysanaa wakhti” ayuu yiri Jurgen Klopp.

Jurgen Klopp wuxuu ku wareeray Jose Mourinho iyo aabahiis, José Manuel Mourinho Félix oo ahaa aabaha macalinka Spurs wuxuu ahaa goolhaye hal jeer kasoo muuqday qarankisia, sidoo kalana wuxuu wakhtigiisa xirfadlenimo kusoo qaatay Vitoria Setubal iyo Belenenses.

Mourinho wuxuu ahaa xiddig khadka dhexe ah, wuxuu kasoo ciyaaray horyaalka heerka labaad gaar ahaan koox uu aabahiis maamuli jiray.

Advertisements

Jurgen Klopp wuxuu waayahiisii ugu horreeyay ahaa weeraryahan, balse wuxuu u badashay daafac midig, Mainz 05 ayuu ku qaatay wakhtigiisa ugu badan heerkiisa kooxeed maadaama uu ka tirsanaa 11-sanadood.

Labada tababare caawa ayey isaga hor imaan doonaan garoonka Tottenham Stadium kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Leave a Reply

Your email address will not be published.