Jurgen Klopp Oo Isbeddel Ku Samayn Doona Shaxdiisa Kulanka Manchester United Ee Axadda, Xiddigaha Uu Tuuri Doono Iyo Kuwa Lagu Soo Bilaabi Doono

Advertisements

Liverpool nasiib badan ayay lahayd ciyaartii Tottenham ee Sabtidii, waxaanay ku dhowaatay inay lumiso ugu yaraan laba dhibcood, laakiin nasiibkooda waxa u raacay shaqada wanaagsan ee ay qabteen goolhaye Alisson Becker oo ka badbaadiyey kubbado badan iyo Roberto Firmino oo dhaliyey goolka kaliya ee ciyaarta ee Jurgen Klopp siiyey saddexda dhibcood.

Axadda soo socota, Liverpool waxay ku martigelin doontaa Manchester United oo Anfield Stadium iman doonta, iyadoo waliba la ogyahay inay tahay kooxda kaliya ee Liverpool qabatay xili ciyaareedkan.

Kulankoodii ka dhacay Old Trafford, Manchester United waxay isbaaro u dhigatay Reds oo ay barbarro kula gashay, waana ciyaarta kaliya ee illaa hadda ay dhibco lumisay Liverpool xili ciyaareedkan horyaalka Premier League.

Marka ay Anfield timaaddo Manchester United Axadda soo aaddan, waxa tababare Jurgen Klopp uu samayn doonaa isbeddel xiddigihiisa ah marka loo eego laacibiintii uu kala hor tegay Tottenham.

Yaa kusoo bilaaban doona?

Goolhaye Alisson waa lama taabtaaan aanay cidina soo hadal-qaadi karin booskiisa, waxaanu muujiyey bandhig cajiib ah oo uu isku qoray badbaadiyaha kooxda.

Difaaca baalleyaasha ee ee Trent Alexandre-Arnold iyo Robertson, isbeddel kuma iman doono haddii aanay dhaawacyo ku imanin, sidaas oo kalena Virgil van Dijk iyo Joe Gomez ayaa u dhaxayn doona oo aan isbeddel lagu samayn doonin.

Khadka dhexe, Gini Wijnaldum oo si cajiib ah u ciyaaray kulankii Tottenham iyo Kabtan Jordan Henderson waxay haystaan damaanad ah inay mar kale kusoo wada bilowdaan, halka weerarkana haddii aanay musiibooyin dhaawacyo ah imanin ay iska soo qarab muuqan doonaan Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Sadio Mane.

Yaa la tuuri doonaa?

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa noqon doona ciyaartoyga kaliya ee booskiisa lagu qaban doono, waxaana diyaar u ah inuu ka cidhiidhsado Adam Lallana oo beddel kusoo galay kulankii Tottenham, isla markaana sameeyey xasillooni iyo degenaansho khadka dhexe ah.

Advertisements

Waxa kale oo jooga saxeexa cusub ee Takumi Minamino oo lagu tijaabin karayo kulankan iyo Fabinho oo la filayo inuu taam u noqdo kulankan kaddib dhaawac uu muddo ku maqnaa.

Wargeyska Liverpool Echo oo warkan aanu kasoo xiganay, ayaa waxa uu tibaaxay in isbeddelka kaliya ee ku dhici doona Liverpool kulanka Manchester United uu noqon doono Chamberlain oo aan kusoo bilaaban doonin, tababare Klopp na uu booskaas u kala dooran doono Minamino iyo Lallana ama Fabinho haddii uu si buuxda taam u noqdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.