Jurgen Klopp Oo Faahfaahiyey Sababta Uu Thiago Alcantara Uga Reebayo Liiska Ciyaartoydiisa Kulanka Leicester City Ee Axadda

Advertisements

Tababare Jurgen Klopp ayaa sheegay inaanu garoomada kusoo dedejin doonin Thiago Alcantara oo aan wali si buuxda uga soo kabanin dhaawaca, laakiin waxa uu ishaaray in Fabinho uu kasoo muuqan doono kulanka Leicester City ay ku qaabilayaan Axadda.

Thiago Alcantara ayay garoomada ugu dambaysay October 16 oo laga joogo bil iyo dheeraad markaas oo uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Merseyside derby ee ay Everton ku kala baxeen 2-2.

Kubbad-sameeyaha reer Spain ayuu taakal xun ku qabtay Richarlison oo isagana lagu abaal-mariyey kaadh casaan ah, waxaanu illaa hadda Thiago seegay lix ciyaarood oo iskugu jira Premier League iyo Champions League.

Advertisements

Laacibkan ayaa la filayay inuu kusoo laabto kulanka Leicester City ay ku martigelin doonaan Axadda, laakiin Jurgen Klopp ayaa xusay inay suurtogal tahay inuu wali sii maqnaado.

“Maqnaanshihiisu wuxuu ka dhashay dhaawac. Wuxuu ahaa laag toos ah oo jilibka kaga dhacay, kaasina wuxuu sababay dhaawac.” Ayuu yidhi Jurgen Klopp oo intaa ku daray: “Dadku waxay hamuun u qabaan inay arkaan, aniguna sidooda ayaan ahay, laakiin waxba kama beddeli karayo waxyaabahan.

“Waa inaanu la tacaalno cawaaqibka ka dhashay dhaawacyada, shilalka, qaladaadka iyo wax kasta. Kulankan (Everton) waxay ahaayeen qaladaad aad u xun, haddii uu hore usii ciyaari karayna wuu ciyaari lahaa, laakiin muu karayn.”

Jurgen Klopp waxa uu xaqiijiyey in laacibka reer Brazil ee Fabinho uu si caadi ah ula qaatay tababarka kulamadii ugu dambeeyey kooxdiisa, sidaas darteedna uu xisaabta ku darsan doono, waxaanu yidhi: “Fabinho wuxuu nala qaatay tababarka, laakiin waynu ogaan doonaa maadaama aanan illaa hadda arag sida uu uga falceliyey, balse tababarka caadiga ah wuu nala qaatay.”

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*