Jurgen Klopp Oo Aamusnaantii Ka Baxay Isagoo Jawaab Cad Ka Bixiyay Haddii Uu Noqonayo Tababaraha Cusub Ee Xulka Jarmalka

Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray inuu tababare Joachim Low ka bedelay shaqada tababaraha xulka Jarmalka isagoo sheegay inuu sannado kale sii joogi doono Liverpool.

Advertisements

Low ayaa shaaciyay maanta inuu isaga tagayo xulka Jarmalka xagaagan isagoo soo gabagabeynaya 15 sannadood uu kooxda hogaaminayay oo ay ku jirto Koobkii Adduunka ee ay ku guuleysteen sannadkii 2014.

Laakiin ninka ay isku wadanka yihiin Klopp oo kooxdiisa Liverpool haatan laga badiyay kulamo rikoodh ah ayaa sheegay inuusan xiiseyneynin shaqada xulka Jarmalka.

Wuxuu yiri: “Miyaan diyaar u ahay inaan noqdo tababaraha xulka Jarmalka xagaaga? Maya.

Advertisements

“Joachim Low shaqo aad u fiican ayuu qabtay. Waan hubaa in xiriirka kubada cagta Jarmalka inay heli doonaan xal fiican.”

Klopp oo koobabka Champions League iyo Premier League u qaaday Liverpool ayaa u saxiixay kooxda Anfield ka dhisan qandaraas dhacaya sannadka 2024.

Wuxuuna balanqaaday inuu dhameysan doono qandaraaskiisa taasoo la micno ah inuusan aheyn ninkii bedeli lahaa Low.

Klopp ayaa sharaxaad ku bixiyay: “Diyaar uma ahi inaan noqdo tababaraha xulka Jarmalka.

“Seddex sanno ayaa iiga harsan qandaraaskeyga LFC, miyaysan aheyn? Waa wax sahlan. Qandaraas ayaad saxiixeysaa waa inaad ku dhegnaato qandaraaskaas. Markii aan joogay Mainz iyo Dortmund mar walba qandaraaskeyga waan ku dheganaa.”

Klopp ayaa tagay Liverpool sannadkii 2015, wuxuuna 2019 ka dhigay boqorada Yurub.

Sannad ka dib, tababaraha labada jeer ku guuleystay Bundesliga ayaa Liverpool ku hogaamiyay horyaalkoodii ugu horeeyay ee muddo 30 sannadood ah.

Laakiin xilli ciyaareedkan ayaa musiibo ku noqday iyadoo laga badiyay lix kulan oo isku xigta kulamada gurigooda ee horyaalka, waana markii ugu horeysay ee ay sidaasi ku dhacdo taariikhda.

Sidaasi oo ay tahay Klopp ayaa wacad ku maray inuu dagaalami doono ilaa iyo dhamaadka, kamana muuqato calaamad ah in shaadiisa ay halis ku jirto.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*