Jurgen Klopp Ma Isagaa Tababaraha Ugu Fiican Dunida Isku Aaminsan Mise Pep Guardiola Ayuu Darajadaas Siiyay? Klopp Qudhiisa Ayaa Jawaab Cad Bixiyay.

Advertisements

Kahor kulankooda Axada ee Premier League, Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa amaan kala dul dhacay dhigiisa Manchester City ee Pep Guardiola isagoo ka hadlay haddii uu u arko tababaraha ugu wanaagsan dunida.

Liverpool ayaa haatan hoggaanka u haysa horyaalka iyagoo faa’ido lix dhibcood ah ka haysta xiddigaha Guardiola ee ay Anfield ku qaabili doonaan toddobaadkan.

Image result for Klopp and Guardiola"

Guul ay kulankaas Reds gaadhaan ayaa hog dheer ku ridi doonta rajada horyaalka ee Sky Blues halka haddii ay iyagu saddexda dhibcood soo qaataan ay rajo weyni gali doonto markalena isku dayi doonaan inay horyaalka gacmaha Liverpool kala baxaan.

Iyadoo farqigoodu uu sidaas yahay, Ayay guud ahaan jamaahiirta kubadda cagtu isku diyaarinayaan kulanka ugu xiisaha badan wakhti xaadirkan xilli ciyaareedka Premier League oo ciddiyaha lagu dagaalami doono Axada.

Si kastaba, Jurgen waxa uu kulankaas kahor amaan weyn ugu qubeeyay Pep Guardiola oo uu ku sifeeyay tababaraha ugu fiican dunida isagoo dhinaca kale xusay qaabkii ay Man City kooxdiisa ka dhigtay xilli ciyaareedkii hore iyo casharkii uu ka bartay.

Advertisements

Tababaraha ree Germany ayaa yidhi “Isagu waa tababaraha ugu wanaagsan dunida, Isaga mudo dheer ayaan yaqaanaa umanay hayn karo isaga amaan intaas ka badan”.

“Sanadkii hore waxa nala siiyay casharkii ugu weynaa ee aan abid qaatay, Ciyaartoydayda waxay ka dhigeen kuwo u shaqeeya si ka duwan sida caadiga ah”.

Comments are closed.