Jose Mourinho Oo U Dagaalamaya Inuu Man United Ka Horjoogsado Saxiixa Islam Slimani

Advertisements

Idaacada isboortiga ee Faransiiska RMC ayaa sheegtay goordhow in kooxaha Premier League ee Tottenham iyo Manchester United inay wadahadalo toos ah magaalada Monaco kula leeyihiin wakiilka xiddiga Algeria ee Islam Slimani.

Islam Slimani oo ay iska leedahay kooxda Ingariiska ee Leicester City waxa uu haatan amaah ku joogaa kooxda AS Monaco.

Man United ayaa maalmihii ugu danbeeyay lala xiriirinayay xiddiga reer Algeria oo ay amaah ku doonayaan si uu bedel ugu noqdo weeraryahanka dhaawacmay ee Marcus Rashford.

RMC Sport ayaase sheegtay inaysan weli kala cadeyn in wadahadalada haatan socda ay yihiin kuwa heshiis joogta ah lagula wareegayo Slimani ama inay yihiin kuwa amaahda Monaco looga soo wareejinayo.

Tottenham ayaa iyagana raadinaya xiddig u buuxiya booska uu ka dhaawacan yahay Harry Kane, iyadoo Jose Mourinho uu isku dayayo wax walba oo awoodiisa ah inuu Man United ka dulqaado saxiixa Slimani.

Wargeyska Daily Mail ayaa mar sii horeysay sheegay in Leicester ay dooneyso 4 milyan ginni haddii ay burburinayaan heshiiska amaah Monaco oo ay amaah ku siinayaan Man United.

Advertisements

Xiddigii hore ee Sporting Lisbon ayaa dhaliyay kaliya sideed gool 35 kulan uu u ciyaaray Leicester City, wuxuuna amaah ugu soo dheelay Newcastle iyo Fenerbahce.

Xiddiga reer Algeria ayaa dhaliyay todoba gool 11 kulan uu ku soo bilowday shaxda Monaco iyadoo kooxda Faransiiska ay ku jirto kaalinta 13aad ee horyaalka.

Comments are closed.