Jose Mourinho Oo Si Xun U Quursaday Arsenal Ka Hor Kulanka Axada Ee Gunners & Tottenham – Muxuu Yiri Oo Ka Careysiiyay Arsenal?

Tababaraha Tottenham Jose Mourinho ayaa sheegay inuusan wax walwal ah ka qabin Arsenal iyo la tartankooda madaama uu kaliya kor u eegayo miiska kala sareynta.

Advertisements

Spurs ayaa u safreysa Emirates Stadium Axada iyagoo todoba dhibcood ka sareeya kooxda ay xafiiltamaan ee Arsenal, guul ay gaaraan ayaana u sii xaqiijin doonta in xilli ciyaareedkii shanaad oo isku xigta ay ku dhameystaan boos ka sareeya kan Gunners.

Si kastaba, Mourinho ayaa sheegay inuu kaliya diirada saarayo in kooxdiisa ay qeyb ka noqoto tartanka afarta sarre oo uusan dooneynin inuu hoos u soo eego Gunners.

“Kaliya kor ayaan eegaa, hoos ma eego” ayuu yiri.

Advertisements

“Haddii Arsenal ay todoba dhibcood inaga sareyn laheyd, iyaga ayaa eegi lahaa. Laakiin madaama aan iyaga todoba dhibcood ka sareyno, hoos ma eego.

“Laakiin isla waqtigaas waxaan eegnaa kulanka inoo soo socda. La ciyaaris Arsenal waxay inoola mid tahay inaan la ciyaareyno Aston Villa ama Newcastle, wax dareen ka duwan ah inooma lahan.

“Waxaan dareemeynaa inaan ku jirno boos fiican oo miiska kala sareynta ah, waxaan dooneynaa inaan sii horumarino booskeena sidaasi darteed waxaan u baahanahay dhibco. Waxba ma ahan kooxda aan ka horimaaneyno iyo haddii ay taahy London Derby.

“Waa ciyaar Premier league ah, seddex dhibcood ayaa loo dagaalamayaa, taas ayaana isku dayi doonaa”

Tan iyo intii uu tababare ka noqday Tottenham Jose Mourinho ayaa badiyay labadii kulan ee uu ka horyimid Arsenal oo labaduba kooxdiisa marti loo ahaa.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*