Jose Mourinho Oo Shaaciyey Liiska Ciyaartoydiisa Kulanka Caawa Iyo Xiddig Loo Arkayay Mustaqbalka England Oo Uu U Quus-gooyey

Advertisements

Tottenham Hotspur waxay caawa tegaysaa garoonka Turf Moor ee ay iska leedahay Burnley oo ay kulankeeda usbuucan ee horyaalka Premier League kula soo ciyaarayso, ka hor inta aanay isku diyaarinin tartanka Euorpa League.

Spurs waxay Khamiistii 3-0 kusoo jiidhay naadiga yar ee LASK, iyadoo ay goolashana u dhaliyeen Lucas Moure, Son Heung-min iyo mid ay kooxdaasi iska dhalisay.

Tababare Jose Mourinho ayaa u dagaallamaya in kooxdiisu ay jidka guushaee horyaalka Premier League ay kusoo laabato kaddib barbarrihii 3-3 ahaa ee ay West Ham tobanka daiiqadood ee kaliya kaga daba timid usbuucii hore.

Advertisements

Jose Mourinho oo ka hadlayay ciyaartan ayaa waxa uu saluugsan yahay go’aanka lagu sii dheereeyey waqtiga ay taageereyaashu garoomada kasii maqnaanayaan, isaga oo rumaysan in jamaahiirtu ay qayb weyn ka yihiin ciyaarta oo ay niyad-dhiska ciyaartoyda iyo xamaasaddoodaba iyagu horseed ka noqdaan.

Eric Dier oo difaac kaga maqan Tottenham ayaa bartiisa bulshada waxa uu ku sheegay in isaga iyo Japhet Tanganga ay kusoo dhowe yihiin inay kasoo kabtaan dhaawacyada, balse waqtiga ciyaartani ay kusoo degdegtay.

Giovani Lo Celso iyo Erik Lamela ayaa taam u ah inay ciyaartan saftaan oo lagu soo daray liiska kooxda, laakiin mar kale ayaa uu Jose Mourinho ka yimid Dele Ali oo taam ah, isla markaana wax dhibaato ahi aanay haysanin.

Jose Mourinho oo xili ciyaareedkan oo dhan ku kacsan Alli oo la sheegayo in aanay waxba u oollin kooxda inta uu tababare Special One joogo, ayaa waxa tallaabadan ugu dambaysay ay u tahay quus-goyn iyo in aanu waxba ka sugin.

Gareth Bale ayaa liiska  ciyaartoyda kooxda ku jira iyadoo uu markii ugu horreysayna usbuucii hore u ciyaaray oo uu beddel kusoo galay.

Halkan kaga bogo liiska ciyaartoyda Tottenham ee kulanka Burnley ee caawa:

Goolka: Hugo Lloris, Joe Hart, Paulo Gazzaniga

Difaaca: Matt Doherty, Sergio Reguilon, Toby Alderweireld, Davinson Sanchez, Serge Aurier, Ben Davies, Dennis Cirkin, Joe Rodon

Dhexda: Pierre-Emile Hojbjerg, Harry Winks, Erik Lamela, Moussa Sissoko, Giovani Lo Celso, Tanguy Ndombele, Jack Clarke, Gedson Fernandes

Weerarka: Harry Kane, Steven Bergwijn, Lucas Moura, Gareth Bale, Carlos Vinicius, Son Heung-min

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Fekrad

  1. asc waa ku mahadsan tihiin sida sharafta leh aad codsigeyga iiga aqbasheeen runtiiw axaana ahay qof in badan ku xiran webkaan

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*