Jose Mourinho Oo Min Hal Erey Ku Qeexay Qaar Ka Mid Ah Xiddigihii Uu Soo Tababaray – Waa Kuma Xiddiga Uu Xaywaan Ku Tilmaamay?

Advertisements

Jose Mourinho ayaa ku tilmaamay weeraryahanka reer Spain Diego Costa “xaywaan” markii la weydiiyay inuu hal erey ku qeexo qaar ka mid ah xiddigihii uu soo tababaray.

The Special One ayaa wareysi uu siiyay LiveScore waxa uu Costa ku amaanay awoodiisa jir ahaaneed iyo dabeecadiisa dagaalka.

Mourinho ayaa Costa kala soo wareega Ateltico Madrid sannadkii 2014 markaasoo uu ka soo bixiyay 32 milyan ginni.

Weeraryahanka ayaa dhaliyay 20 gool oo Premier League ah iyadoo Chelsea ay qaaday Premier League dhamaadkii xilli ciyaareedkaas.

Tababarihii hore ee Manchester United ayaa la weydiiyay inuu hal erey ku qeexo qaar ka mid ah xiddigaha qalbigiisa ku dhawaa.

Kabtankii hore ee Chelsea John Terry waxa uu ku qeexay “hogaamiye”

Weeraryahankii hore ee Chelsea Didier Drogba waxa uu ku tilmaamay “halyeey”

Xiddigii Mourinho ugu jeclaa Michael Essien isaga waxa uu helay in lagu qeexo “wiilkeyga”

Advertisements

Mourinho ayaa sheegay in “gool” uu ku soo dhacayo marka uu ka fekero Cristiano Ronaldo, halka “mucjiso” ay ku soo dhaceyso marka uu ka fekero xiddiga ay loolamaan ee Lionel Messi.

Mourinho ayaa sidoo kale sheegay in ereyga ugu fiican ee uu ku qeexi karo magaalada London inay tahay “xamaasad”

4 responses to “Jose Mourinho Oo Min Hal Erey Ku Qeexay Qaar Ka Mid Ah Xiddigihii Uu Soo Tababaray – Waa Kuma Xiddiga Uu Xaywaan Ku Tilmaamay?”

  1. Mahamed mahamud farah says:

    Waad saxan tihiin lkn wax ayaa idinka dhiman, D.costa muxu ku qeexey Josse mise waad la xishooteen

  2. D.costa animal ayuu dhahay hadana erey kale ayuu u raadiye kadibna wuxuu ku qeexay warior a worior

  3. abdisamad says:

    warior ayuu ku tilmaamay markuu ka shaandheeye maxad u sheegi wayseen

  4. Ahmad Adan says:

    Laacib weli wax baa ka dhiman qiimeynta ereyada Mourinho sida.
    1. Lampard
    2. Ramos
    3. Zidane
    4. Makalele
    Iyo kuwo kaloo badan

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

*