Jose Mourinho Oo Hadal Ku Aamusiyay Vincent Kompany Kadib Markii Uu Ka Hadlay Wax Ku Saabsan Hogaanka Horyaalka.

Advertisements

Tababare Jose Mourinho ayaa hadal ku aamusiyay kabtankii hore Man City Vincent Kompany kaas oo ay isla fadhiyeen istuudiyaha Sky Sports ka hor inta aysan bilaaban ciyaartii dhexmartay labada kooxood ee Liverpool & Manchester City.

Xiddigii hore qaranka Belgium-ka ayaa damcay inuu cadaadiska ka dajiyo kooxdiisii hore, wuxuuna qiray in guul iyo guuldaro ay ka helaan garoonka Anfield aysan ka dhigneen inuu dhaafay Premier League-ga ku guuleysigiisa.

Kompany wuxuu dareensanaa ka hor ciyaarta iney culeys leedahay hadii Liverpool ay 9-dhibcood ka saramarto, balse wuxuu niyadda ku adkeeyay iney dhawr jeer Liverpool ka hormartay isla markaana ka qaadeen horyaalka wuxuuna tusaale usoo qaatay 2014.

Si kastaba Jose Mourinho ayaa ka dhexgalay hadalka wuxuuna si shakhsi ah u xasuusiyay wixii uu u sameeyay Man City markii uu kaga badiyay Liverpool sanadkii 2014, waxaana la xasuustaa in Blues oo uu hogaaminay Mourinho ay Anfield ku garaaceen Reds.

“Xaaladaan, hadii aad dib u fiiriso tobankii sano lasoo dhaafay, waxaa jirtay dhawr jeer oo ay Reds noqotay hogaanka horyaalka, waxaana jirtay dhawr jeer oo ay Man City gadaasheeda socotay sidoo kale” ayuu yiri Kompany oo fadhiya Sky Sports.

Jose Mourinho ayaa hadalka ka dhex galay, wuxuuna ula hadlay si aan caadi aheyn, macalinkii hore Manchester United wuxuu yiri.

“Balse Man City waxey aheyd kooxda ugu fiican”

“Markii aan horyaalka kuu gacan galiyay, waligaa ima dhihin – waad mahadsan tahay, markii aan halkaan kugu siiyay horyaalka isla markaana aadan isoo wicin si aad iigu mahad celiso, markaas waxaad aheydeen kooxda ugu fiican”

“Ayaga kuma jirin waqti fiican, halkaas ayey joogeen, balse waxaad aheydeen kooxda ugu fiican, wakhtigaan uma maleynayo iney jirto farqi dhanka awoodda ah”

“Xitaa marka loo fiiriyo qaab dhismeedka, hadiiba qaab dhismeedka wax sameyn karo, waxaad tahiin horyaalka England, ayaguna waa horyaalka Yurub”

Advertisements

“Wey yaqaanaan sida loo guuleysto, wey yaqaanaan sida cadaadiska looga kabsado, sidaas darteed aniga ahaan kulanka maanta waa mid aad u muhiim ah”

“Balse hadii farqiga yahay saddex ama lix dhibcood, wali wey furan tahay, balse hadii farqiga uu noqdo sagaal dhibcood, macsalaamo”

3 responses to “Jose Mourinho Oo Hadal Ku Aamusiyay Vincent Kompany Kadib Markii Uu Ka Hadlay Wax Ku Saabsan Hogaanka Horyaalka.”

  1. 🤣🤣🤣 weli yaa is gaaray, chalsea ayaa u dhikan, ciyaalka waalan ee uu lampard hogaminayo, city in la dardarayo ayan umalenaya, waayo chalsea sanadkan ciyaar cusub ayey la timid, meelkasto weyjogaan, weerarkana wey ka dhisan yihiin, xitaa goolkeeperkoda gool ayuu dhaliyay…
    walle sity chalsea ayaa sugeysa marlabaad,

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

*