Jose Mourinho Oo Doortay Xiddigii Ugu Fiicnaa Ebid Uu Garoomada Kubadda Cagta Ku Arko – Ma Ahan Messi & CR7.

Advertisements

Jose Mourinho oo soo maamulay qaar ka mid ah kooxaha ugu waaweyn kubadda cagta qaaradda yurub, sidoo kalana soo maamulay qaar ka mid ah ciyaartoyda loogu jecel yahay kubadda cagta ayaa la weydiiyay xiddigii ugu fiicnaa uu ebid garoomada kubadda cagta ku arko.

Jose Mourinho isagoo ogsoon wixii ay sameeyeen Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayuu hadana u doortay Ronaldo Nazario inuu yahay midkii ugu fiicana uu waligiis arko.

Xiddigii hore kooxaha Real Madrid & Barcelona ayaa wacdaro ka dhigay kubadda cagta wakhtigiisa, Mourinho oo wareysi siinaya LiveScore ayaana ku qasbanaaday inuu qiro wax walba oo qalbigiisa ku jira.

Ronaldo, El Fenomeno, Cristiano Ronaldo iyo Messi waxey qaateen waayo ka dheer” ayuu Mourinho u sheegay LiveScore.

“Waxey xaadir ku ahaayeen maalin walba muddo 15-sanadood ah”

“Si kataba hadii aan ka hadalno waxa ku saabsan xirfad dabiici ah iyo farsamo, qofna ma gudbi karo Ronaldo Nazario”

“Markii uu joogay Barcelona isagoo ka hoos ciyaaraya Bobby Robson, waxaan rumeystay inuu ahaa xiddigii ugu fiicnaa oo aan garoon ku arko”

Advertisements

“Dhaawacyada ayaa dilay waayahiisa, balse xirfadda dabiiciga ah uu lahaa markii 19-jirka ahaa waxey aheyd wax aan caadi aheyn”

“1997, Barcelona waxey la ciyaartay PSG kulan ka dhacay Rotterdam, Ronaldo ayaa dhaliyay gool, wuxuuna ahaa mid cajiib ah”

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

*