Jose Mourinho Oo Doonaya Inuu Dib Ugu Soo Laabto Premier League – Balse Waa Koox Aadan Aamini Karin.

Advertisements

Sida ay sheegayaan warbixinno ka imaanaya Ingiriiska, tababarahii hore Man United Jose Mourinho ayaa doonaya inuu dib ugu soo laabto horyaalka Premier League balse wuxuu doonayaa inuu qabto koox ka dhisan London oo aan aheyn Arsenal & Chelsea.

Macalinka reer Portugal wuxuu doonayaa inuu maamulo Tottenham Hotspur isla markaana uu badal u noqdo Mauricio Pochettino oo ay warar xan ah sheegayaan in laga yaabo shaqo ka ceyrin in lagu sameeyo.

Dhawr ciyaartoy oo ka tirsan Spurs ayaa dareensan in Pochettino uu doonayo kooxda inuu ka tago, waxeyna aad uga shakisan yahiin inuu qeyb ku leeyahay jahawareerka ay kooxda ku bilaabatay fasal ciyaareedkaan horyaalka Premier League.

Advertisements

Si kastaba Jose Mourinho oo aan muddo sanad ku dhaw ka maqan garoomada kubadda cagta ayaa doonaya inuu dib usoo laabto, wuxuuna sugayaa in looga waco garoonka White Hart Lane.

Macalinkaan wuxuu horay u diiday inuu qabto xilka kooxda Benfica, sidoo kalana waxaa dalab lacago badan ah looga keenay horyaalka China.