Jose Mourinho ayaa weerar ku qaaday laacibka reer Germany ee Mesut Ozil oo xalay si lama filaan ah u liidatay Tottenham.
Ozil oo su’aalo laga weydiinayay bartiisa bulshada ee Twitter-ka ayaa isagoo ka jawaabayay weydiin ka timid mid ka mid ah taageereyaasha, waxa uu tilmaamay in aanu waligii u ciyaarayn Tottenham, taas beddelkeedana uu ka doorbidayo inuu ka fadhiisto gebi ahaanba ciyaaraha.
Xiddigan ku guuleystay Koobka Adduunka oo arrimo badan ka hadlay, ayaa hadalka gubay Jose Mourinho uu ku yimid su’aal u dhignay: “Ma u ciyaari lahayd Tottenham haddii ay kusoo dalbato, mise ciyaaraha ayaad ka fadhiisan lahayd.”
Ozil oo ka jawaabayay ayaa yidhi: “Jawaabtu waa mid fudud, ciyaaraha ayaan ka fadhiisan lahaa.”
Mourinho ayaa u jawaabay Ozil, waxaana uu tilmaamay in aanay jirin marka horeba cid doonaysa inuu u ciyaaro Tottenham.
Tababaraha reer Portugal oo ka hadlayay shir jaraa’id ka hor kulanka Fulham ee Arbacada ayaa wax laga weydiiyey hadalka Ozil, waxaanu yidhi: “Yaa u sheegay inay Tottenham xiisaynayso inay la saxeexato isaga?”
Hadalka Mourinho oo loo fahmay in aanay kooxdiisu sinaba u ogolaateen in Ozil u ciyaaro waqtigan oo la sheegayo inuu ka tegayo Arsenal, ayaa waxa kale oo uu soo qaaday Harry Winks oo hadal haynta suuqu sheegayso inuu amaah ugu wareegayo Valencia, waxaanu sheegay in aanay jirin meel uu u socdo laacibkani.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

M.a