Jose Mourinho Oo Deg-Deg U Booqday Qolka Labiska Dinamo Zagreb Kaddib Ceebtii Xalay Gaadhay & Talaabadii La Amaanay Ee Uu Qaaday

Tababaraha kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaa qaaday talaabo lagu amaanay kaddib markii ay kooxdiisu xalay guuldarro fadeexad ah oo ay kala kulantay dhigeeda ree Croatia ee Dinamo Zagreb kaga hadhay tartanka UEFA Europe League oo ay rajo ka qabtay.

Advertisements

Mourinho ayaa isaga oo is dhul dhigaya isla markaana aysan ku jirin wax isla weyni ahi tagay qolka labiska Dinamo Zagreb isaga oo gacan qaaday xiddigaha kooxdaas isla markaana ugu hambalyeeyay guusha ay gaadheen.

Image

Tottenham ayaa iska lumisay hoggaan 2-0 ah oo ay haysatay lugtii koowaad kaddib markii uu saddexley cajiib ah ka dhaliyay kuna reebay xiddiga Zagreb ee Mislav Orsic.

Xalay ayaa u ahayd jamaahiirta Tottenham habeen ay tahay inay iska ilaawaan gaar ahaan ciyaaryahanada magaca weyn ee kooxda oo aan noqon kuwo is muujiyay oo marxalada adag kala dabaashay kooxdooda.

Advertisements

Shaqsiga haatan dhibka ugu badan mudanaya ayaa ah tababare Jose Mourinho kaas oo uu cadaadis ku fuulayo guuldarradaas oo u muuqata mid soo af-meertay inta badan xilli ciyaareedkii kooxdaas iyadoo ay taageerayaashu durba baraha bulshada ka codsadeen in shaqada laga caydhiyo.

Spurs ayaa jooga Final-ka tartanka Carabao Cup balse dhibkooda ayaa ah inay balansan yihiin Manchester City oo ay adkaan doonto in laga guuleysto.

Mourinho ayaa kulanka kaddib yidhi “Inaan idhaahdo murugo ayaan dareemayaa iguma filna sababtoo ah waxa aan dareemayaa wuu ka badan yahay murugo, hadda ayaan ka imid qolka labiska Dinamo Zagreb halkaas oo aan u tagay inaan amaano ciyaaryahanada”

“Waan ka xumahay in hal koox oo aan ahayn kooxdaydu ay guuleysatay kulanka iyadoo lagu salaynayo hab-fikirka, iyadoo lagu salaynayo isku tanaasulka”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*