John Terry Oo Weli Dhibaato Ku Ah Xiddigii Uu Qiyaameeyay Ee Uu Saaxiibtiis La Seexday Ee Wayne Bridge

Advertisements

Ciyaaryahankii hore ee Chelsea Wayne Bridge ayaa weli dareemaya inuu dhibane u yahay kabtankii hore ee Blues John Terry iyadoo haatan lagu qasbay inuu iska iibiyo gurigiisa ka dib markii uu John Terry soo degay meel u dhow.

Wayne Bridge iyo John Terry ayaa isku dhacay toban sannadood ka hor iyadoo Terry uu waqtigaas xiriir la jaceyl la sameeyay gabar saaxiib la aheyd xiddiga ay isku kooxda ahaayeen ee Wayne Bridge.

Terry oo 39 sanno jir ah islamarkaana caawiye tababare ka ah kooxda Aston Villa ayaa 4.3 milyan ginni ku qarashgareeyay guri ku yaala aaga uu degan yahay Bridge oo isaguna 39 sanno jir ah kaasoo haatan ay u dhaxdo gabar fanaanad ah oo labo caruur ah u dhashay.

Advertisements

Wayne Bridge iyo xaaskiisa ayaa haatan iibinaya gurigooda lixda qol ka kooban iyagoo ku iibinaya qiimo gaaraya 5.5 milyan ginni.

Ilo ku dhow ciyaaryahankii hore ee Man City iyo Chelsea ayaa yiri: “Wayne iyo John sida cad ma ahan saaxiibo. Inkastoo suuqa guryaha uusan aheyn mid degan haatan laakiin Wayne iyo xaaskiisa Frankie waxay doonayaan bilow cusub. Waxay go’aansadeen inay u guuraan meel aan si weyn uga fogeyn degmadooda si ay u sameystaan xusuusyo cusub”

Terry ayaa xiriir jaceyl la sameeyay gabar moodal ah oo lagu magacaabo Vanessa taasoo saaxiib la aheyd Wayne Bridge oo markaas uun ku biiray Man City islamarkaana u dhashay wiil lagu magacaabo Jaydon.

Xiriirka labada nin ayaa aad u burburay iyadoo xitaa ay keentay in Wayne Bridge uu isaga fariisto xulka England sababo la xiriira Terry.

Kulamo badan oo iska horyimaadeen Bridge ayaa diiday inuu salaamo Terry ka hor ciyaarta.

Advertisements
Advertisements
Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*