Joao Cancelo Oo Magacaabay Xiddigii Ugu Adkaa Ee Premier League Uu Ka Hor Tegay

Difaaca Manchester City ee Joao Cancelo ayaa magacaabay xiddigii ugu adkaa ee uu abid ka hor tegay intii uu joogay horyaalka Premier League, kaas oo uu ku dhibaatooday sidii uu u xakamayn lahaa.

Advertisements

Joao Cancelo oo ka mid ah ciyaartoyga ugu wanaagsan Manchester City xilli ciyaareedkan, ayaa waxa uu sheegay in xiddiga Chelsea ee Christian Pulisic uu yahay ciyaartoygii ugu adkaa ee intii uu horyaalka Premier League joogay uu ka hor tegay.

Pulisic oo u dhashay waddanka Maraykanka ayaa ku dhibaatoonaya sidii uu u saldhigi lahaa Premier League, waxaana inta ugu badan bannaanka dhigay dhaawacyo sabab u noqday in tayadiisa ciyaareed uu u waayo waqti uu ku muujiyo, hase yeeshee 22 jirkan ayaa sagaal gool iyo afar caawimood ka sameeyey Premier League sannadkiisii ugu horreeyey.

Joao Cancelo ayaa isaguna tiir muhiim ah u ah safka tababare Pep Guardiola ee 14ka dhibcood ku hoggaaminaya horyaalka Premier League, laakiin waxa uu qirtay in laba ciyaarood oo ay iska hor yimaaddeen Chelsea iyo Man City uu ku dhibaatooday sidii uu  u joojin lahaa Pulisic.

Advertisements

Mar la weydiiyey ciyaartoygii ugu adkaa ee uu ka hor tegay, Joao Cancelo ayaa yidhi: “Caadiyan waxaan kala sheekaystaa ciyaartoyda kooxdayada.

“Waxa laga yaabaa inay layaab noqoto laakiin aniga garabkii weerarka ee iigu adkaa ee aan waajahay intii aan joogay Premier League waa Pulisic oo Chelsea ah.

“Waa ciayartoy xirfad badan oo kubadda ku degdega, goysmadiisuna degdeg tahay, sidaa darteed, waa garabkii weerarka ee ugu adkaa ee aan waajahay.”

Si kastaba, Pulisic ayaan wali waqti ka  helin safka tababare Thomas Tuchel, waxaana uu kusoo bilowday hal mar oo kaliya tan iyo dhamaadka bishii January markii la magacaabay tababarahan reer Germany.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*