JIILKA CUSUB: 50ka Xiddig Ee Ku Tartamaya Abaal-marinta NXGN Oo La Shaaciyey, Kooxaha Ay U Ciyaaraan Iyo Midka Kaalinta 1aad Ku Jira

Jiilka cusub ee usoo baxaya dunida kubadda cagta aya la shaaciyey, waxaana hoggaanka u qabtay laacib da’yar oo laga yaabo in aanad filaynin in uu kaalintaas geli karayo.

Advertisements

Shabakadda ciyaaraha Goal ayaa shaacisay 50ka xiddig ee da’da yar ee dunida qabsan doona, kuwaas oo ku tartamaya abaal-marinta NXGN oo bixinteeda la bilaabay sannadkii 2016kii.

Ciyaartoyda ku tartamaysa abaal-marintan ayaa shuruudda koowaad ee lagu soo xulay ay tahay in ay dhasheen intii ka dambaysay January 1, 2020 ama intii ka dambaysay, waxaana liiskan ku jira ciyaartooyo sumcad badan helay muddadii koobnayd ee ay ku jireen garoomada iyo kuwo kale oo laga yaabo in aanad aqoon fiican u lahayn oo magacyadoodu kugu cusbaadaan.

Xiddiga Real Madrid ee Rodrygo Goes ayaa kaalinta koowaad kaga jira ciyaartoyda ku loollamaysa NXGN, waxaana da’yarkan oo kasoo laabtay dhaawac uu ku maqnaa muddo bilo ah uu hanashada abaal-marintan ku xaqiijisan karaa bandhig fiican oo uu layimaaddo bilaha ka hadhay horyaalka LaLiga iyo Champions League oo ay kooxdiisu usoo gudubtay wareegga siddeedda.

Advertisements

Laacibkan oo isaogo ay da’diisu tahay 16 jir kulankiisii koowaad ee kooxda koowaad u saftay naadiga Santos sannadkii 2017kii ayaa Real Madrid kusoo biiray markii ay da’diisu noqotay 18 jir iyadoo kasoo bixisay lacag dhan 45 milyan oo Euro, waxaana ka mid yahay ciyaartoyda mustaqbalka wanaagsan ee uu ugu kalsoonida badan yahay Zinedine Zidane.

Halkan kaga bogo liiska ciyaartoyda 50ka ah ee ku tartamaysa abaal-marinta Jiilka Cusub ee NXGN:

#50 Pablo Moreno | Juventus

#49 Luqman Hakim | Selangor

48 Luca Unbehaun | Borussia Dortmund

#47 Naci Unuvar | Ajax

#46 Daniel Maldini | AC Milan

#45 Xavi Simons | Paris Saint-Germai

#44 Youssoufa Moukoko | Borussia Dortmund

#43 Efrain Alvarez | LA Galaxy

#42 Alessio Riccardi | Roma

#41 Bryan Gil | Sevilla

#40 Troy Parrott | Tottenham

#39 Konrad de la Fuente | Barcelona

#38 Isaac Lihadji | Marseille

#37 Ander Barrenetxea | Real Sociedad

#36 Marcos Paulo | Fluminense

#35 Lucien Agoume | Inter

#34 Gabriel Veron | Palmeiras

#33 Billy Gilmour | Chelsea

#32 Ki-Jana Hoever | Liverpool

#31 Benoit Badiashile | Monaco

#30 Antonio Marin | Dinamo Zagreb

#29 Tomas Tavares | Benfica

#28 Yari Verschaeren | Anderlecht

#27 Curtis Jones | Liverpool

#26 Lassina Traore | Ajax

#25 Joao Pedro | Watford

#24 Karim Adeyemi | Red Bull Salzburg

#23 Gio Reyna | Borussia Dortmund

#22 Joshua Zirkzee | Bayern Munich

#21 Fabio Silva | Porto

#20 Myron Boadu | AZ

#19 Thiago Almada | Velez Sarsfield

#18 Pedri | Las Palmas

#17 Harvey Elliott | Liverpool

#16 Adil Aouchiche | Paris Saint-Germain

#15 Bukayo Saka | Arsenal

#14 Rayan Cherki | Lyon

#13 Eric Garcia | Manchester City

#12 William Saliba | Arsenal

#11 Sebastiano Esposito | Inter

#10 Ryan Gravenberch | Ajax

#9 Takefusa Kubo | Real Madrid

#8 Mohamed Ihattaren | PSV

#7 Lee Kang-in | Valencia

#6 Gabriel Martinelli | Arsenal

#5 Eduardo Camavinga | Rennes

#4 Reinier | Real Madrid

#3 Mason Greenwood | Manchester United

#2 Ansu Fati | Barcelona

#1 Rodrygo | Real Madrid

Advertisements

3 Fekradood

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*