JIILKA CUSUB: 40ka Xiddig Ee Dunida Hoggaaminaya Sannadaha Soo Socda, Kooxaha Ay Joogaan Iyo Waqtiyada Ay Dhasheen

Jadon Sancho, Bukayo Saka iyo Pedri ayaa hoggaaminaya xiddigaha mustaqbalka dunida, iyo hibooyinka cusub ee soo baxaya, kuwaas oo sannadaha soo socda uu kasoo bixi doono xiddiga ugu fiican dunida.

Advertisements

Baadhitaan ay samaysay CIES Football Observatory ayaa waxay soo bandhigtay qiimaynta ciyaartoyda da’da yar ee soo baxaya ee hibada wanaagsan leh, kuwaas oo ay ku jiraan xiddigo iyagoo da’doodu yar tahay helay khibrad badan oo hoggaamiyeyaal u ah kooxahooda.

Qiimayntan oo la xidhiidha xogta wax-qabadkooda garoomada ayaa waxay muujisay 40 ciyaartoy oo afar sannadood oo kala duwan dhashay iyadoo da’ kasta laga soo qaatay tobanka laacib ee ugu wanaagsan marka laga eego tayadooda iyo sida ay xirfaddoodu koboca u samaynayso.

Xiddiga reer England ee Jadon Sancho ayaa qayb ka ah jiilka ugu da’da weyn ee ku jira qiimayntan, waxaanu dhashay sannadkii 2000, hase yeeshee waxa uu ka mid yahay laacibiinta ugu fiican waqtigan.

Advertisements

Jadon Sancho oo la filayo inuu ka tago Borussia Dortmund xagaagan, kuna laabto horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa  laba sannadood iyo badh uu Bundesliga ka ciyaaray waxa uu Dortmund u dhaliyey 45 gool iyo 56 gool oo kale oo uu caawiye ka noqday.

Waxay liiskan ku wada jiraan xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Erling Haaland oo ah mishiinka goolasha iyo mid ka mid ah weeraryahannada ugu wanaagsan dunida oo dhan waqtigan.

Dhaliyahan reer Norway ayay kooxo badan indhaha ku hayaan, waxaana looga gacan haadinayaa horyaalka Premier League, LaLiga iyo Serie A, halka Faransiiskana ay PSG indhaha ku hayso, si ay meel iskugu keento Haaland iyo Kylian Mbappe.

Mucjisada da’da yar ee Bayern Munich difaaca bidix uga ciyaara ee Alphonso Davies oo 20 jir ayaa klooxdiisa ka caaiwyey inay ku guuleysato horyaalka Bundesliga, Champions League iyo afar koob oo kale xilli ciyaraeedkii dhamaaday, waxaanu hormood ka yahay jiilka dahabiga ah ee dunida qabsnaya.

Difaaca Lille ee Sven Botmann oo bishii January lagu xidhiidhiyey Liverpool, Vinicius Junior oo weerarka uga ciyaara Real Madrid iyo saddexda laacib ee Premier League ee Pedro Netro, Phil Foden iyo Ferran Torres ayaa iyaguna ku jira tobanka ugu horreeya.,

Halkan kaga bogo xiddigaha da’da yar ee ugu wanaagsan dunida

Advertisements

Xiddigaha dhashay sannadkii 2000

1. Jadon Sancho (Borussia Dortmund)

2. Alphonso Davies (Bayern Munich)

3. Erling Haaland (Borussia Dortmund)

4. Sven Botman (Lille)

5. Vinicius Junior (Real Madrid

6. Pedro Neto (Wolves)

7. Phil Foden (Manchester City)

8. Ferran Torres (Manchester City)

9. Dejan Kulusevski (Juventus)

10. Jonathan David (Lille)

Xiddigaha dhashay sannadkii 2001

1. Bukayo Saka (Arsenal)

2. Mason Greenwood (Manchester United)

3. Benoit Badiashile (Monaco)

4. Myron Boadu (AZ Alkmaar)

5. Ersin Destanoglu (Besiktas)

6. Charles De Ketelaere (Club Brugge)

7. Jason Knight (Derby)

8. Anatoliy Trubin (Shakhtar)

9. Curtis Jones (Liverpol)

10. Michael Olise (Reading)

Xiddigaha dhashay sannadkii 2002

1. Pedri (Barcelona)

2. Leonidas Stergiou (St Gallen)

3. Jeremy Doku (Rennes)

4. Giovanni Reyna (Borussia Dortmund)

5. Eduardo Camavinga (Rennes)

6. Nuno Mendes (Sporting Lisbon)

7. Ryan Gravenberch (Ajax)

8. Ansu Fati (Barcelona)

9. Kaio Jorge (Santos)

10. Talles Magno (Vasco da Gama)

Xiddigaha dhashay sannadkii 2003 ama kaddib

1. Florian Wirtz (Bayer Leverkusen)

2. Jude Bellingham (Borussia Dortmund)

3. Isak Johannesson (IFK Norrkoping)

4. Harvey Elliott (Liverpool)

5. Fabricio Diaz (Liverpool Montevideo)

6. Jamal Musiala (Bayern Munich)

7. Youri Regeer (Ajax)

8. Wahid Faghir (Vejle BK)

9. Lucas Gourna-Douath (Saint-Etienne)

10 Loizos Loizou (Omonia)

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*